Boorama-(Lug) hawlihii hordhaca u ahaa orodka 10km ee Awdal ayaa bilaabmay, orodkan ayaa waxa lagu wadaa in uu qabsoomo bisha August ee soo socota.
Madaxa gudida qaban qaabada ee orodka 10km ee Awdal Maxamed Maxamuud Cilmi Toonow oo Lughayanews u waramay halka ay wax ka bilaabayaan ayaa yidhi ” hadii alle idmo 5ta bishan aan ku jirto ee Julay ayay bilaabmi doontaa diiwaan galintu, waxana ay noqon doontaa mid fufar ilaa horaanta bisha soo socota, waxa uu oroidkani u furan yahay oo ka soo qaybgali doona dhamaan muwaadiniinta reer somaliland ee danaynaysa in ay ka qayb gasho waana miod u furan cidwalba oo orod isla haysa”.
Sidoo kale Agaasimaha qabanqaabada orodkan Md. Idiris Faarax Muuse oo isaguna Lughayanews warbixin siiyay ayaa ka codsaday dhamanaa shariikadaha gobolka gaar ahaan dahabshiil, telesom, telcom iyo Africa online in ay gacan ka gaystaan qabsoomida orodkaasi, agaasime idiris waxa kale oo uu u mahadnaqay wasaaradaha ciyaaraha iyo waxbarashada oo iyagu qayb ka gaysaty qabsoomida oradkan, sidoo kale waxa uu ka codsaday qurbojooga reer Awdal iyo salal in laga qayb qaato sidii orodkan loo meel marin lahaa, md. Iriris waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay haweenka reer Minisota oo uu sheegay in ay si wayn u iibsadeen cajaladihii orodka ee sanadkii hore.
Orodkan oo uu aasaaskii hore lahaa Orodyahan Askar oo isagu lagu naasayso aabaha orodka Awdal ee 10km ayaa waxa uu galay sanadkan markiisii shanaad waxana sanadkan ku lamaan tartano kale oo dhinaca suugaanta ah oo lala qaban doono orodkan.
Wariye:
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Qabanqabadii Orodka 10km ee Awdal oo Bilaabatay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback