Islamabad-(Lug)-Safiirka dawladda Somalia u jooga dalka Pakistan oo magaciisa la yidhaahdo Cabdillaahi Xaaji Liibaan ayaa la sheegay inuu cadaadis iyo culeys gaar ah ku saaro ardayda reer Somaliland ee waxbarashada u tagta dalka Pakistan inay ku biiraan kooxaha argagixisada ah ee dagaalada ka wada dalka ay Somaliland jaarka yihiin ee Somalia, isla markaana waxa uu iska hortaagay waxbarashadii ay arday badan oo reer Somaliland ahi u doonayeen ku galaan Jaamacadaha kala duwan ee dalka Pakistan, isagoo qoraalo u qaybiyey Jaamacadaha dalka Pakistan, kuwaas oo uu kula socodsiiyey in ardayda ka timaada guud ahaan dalkii laysku odhan jiray Somalia oo ay ka mid tahay Somaliland aan loo ogolaan inay galaan Jaamacadaha Pakistan iyagoo aan ogolaansho ka sidan Safaaradda uu horjoogaha ka yahay.

Sida la sheegay ninkan Safiirka ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda degaanada gobolada dhexe ee Somalia, ayaa waxa uu ardayda reer Somaliland uga dhaartay inay saami ka helaan deeqaha waxbarasho ee ay sannad walba dawladda Pakistan ugu deeqdo ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo ka hor intii aan ninkan loo magacaabin safiirka Somalia ee dalka Pakistan ay ardayda reer Somaliland ka heli jireen deeqaha waxbarasho waxoogay, hase yeeshee sannadkii ugu dambeeyay ee 2009 waxa ay ardayda reer Somaliland ka heleen deeqihii waxbarasho ee ay dawladda Pakistan ugu deeqday dadka Soomaaliyeed laba arday oo keliya, halka ninkan safiirka ah jifadiisa (Cayr/Habargidir) oo keliyi ka heshay 124 arday.

Qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee waxbarashada u jooga Pakistan oo ka cudur-daartay in magacyadooda la shaaciyo ayaa waxay ninkan Safiirka u ah dawladda Sheekh Shariif ku eedeeyeen inuu dalka Pakistan ka wado olole ka dhan dawladda Sheekh Shariif, taas oo loo nisbaynayo inuu xidhiidh dhaw la leeyahay Xasan Daahir Aweys oo ay isku raas ka soo jeedaan.

Sida warkani tibaaxay waxa uu Cabdillaahi X. Liibaan ku dhiiri-geliyaa guud ahaan ardayda Soomaalida ah ee dalka Pakistan wax ka barata inay ka qayb-qaataan waxa uu ku tilmaamay Jihaadka ay kooxaha Mayalka adag ka wadaan Somalia, kaas oo xataa sida ay shakhsiyaad kala duwan oo ardaydaas ka mid ahi tibaaxeen uu heerkiisu gaadhsiisan yahay inuu qaar ka mid ah ardayda Soomaalida u diro goobo tababar oo ku yaal Afghanistan iyo Pakistan-ba oo ay tababar ku soo qaataan, kadibna uu u diro dhinaca Somalia.

Cabdillaahi X. Liibaan oo ay dawladdii Cabdillaahi Yuusuf u magacowday safiirka Islamabad ee Somalia, ayaa muddo laba sannadood ah oo xilkaas hayey waxa uu ardayda Somaliland u dhalatay saaray cadaadis xoog leh, kadib markii ay ka hor yimaadeen fikirkiisa ah in ay ka qayb-galaan ama taageeraan kooxaha mintidiinta ah ee Somalia ka dagaalamaya, waxaanu bilaabay inuu xataa ardayda reer Somaliland ee iyagu iskood lacagta waxbarashada iskaga bixinaya inaanay helin ogolaanshaha ay ku gelayaan Jaamacadaha, isla markaana lagu xidho qoraal uu isagu u soo qoro.

Waxa kale oo uu ninkani ardayda iyo dadka kale ee ganacsatada ah ee reer Somaliland u diidaa inuu u cusboonaysiiyo Baasaboor Soomaaliga iyo sidoo kale inay dawladda Pakistan siiso fiisooyinka waxbarashada ee ay eheladooda u dalbanayaan iyo kuwa ay xataa ardayda halkaas ku sugani ku joogayaan dalkaas si ay waxbarashadooda u dhammaystaan.

Sidoo kale, waxa uu ninkan Safiirka u ah dawladda taagta daran ee Somalia uu dawladda Pakistan ka dhamaystay inay xataa qofkii Soomaali ah ee ka dhoofaya dalkaas Pakistan uu marka hore warqad ka soo qaato Safaaradda Somalia, taas oo carqalad ku noqotay dad badan oo dalka Pakistan uga dhoofayey wadamo dibadda ah.

Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Pakistan oo isugu jira arday, qoysas iyo ganacsato-ba, ayaa muddooyinkan u dambeeyay waxay qaylo-dhaan ka bixinayeen culayska arrintani ay ku yeelatay noloshoodii iyo joogitaankoodii dalka Pakistan, waxaanay walaac ka muujiyaan dhibaatada ka haysata wakiil la’aanta aanay haysan cid ay uga dacwoodaan hagar-daamooyinka ay kula kacayaan Safiirada laga magacaabo Muqdisho, maadaama aanay Somaliland wakiil ku lahayn dalka Pakistan iyo dal u dhow toona, isla markaana aanu jirin wax xidhiidh ah oo ay xukuumadda Somaliland la leedahay dawladda Pakistan.

Maaha markii u horeysay ee ay qurba-jooga iyo ardayda reer Somaliland ee ku nool qaar ka mid ah dalalka dibaddu ay ka soo yeedho cabasho noocan oo kale ah, balse waxaa sannadihii u dambeeyay aad isu soo tarayey cadaadis iyo hagar-daamooyin ay Safiiradda dalalka dibadda u jooga dawladaha kala dambeeyey ee maqaar-saarka ah ee Somalia ku hayaan jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqanka dalal ay ka mid yihiin Sucuudi Carabiya, Qatar, Imaaraatka Carabka, Liibiya, Suudaan iyo dalal kale oo ku yaal koonfurta bari ee Eeshiya, kuwaas oo ay kumanaan reer Somaliland ahi u joogaan waxbarasho, ganacsi, qaxootinimo iyo deganaansho-ba.

Haatuf.net