Boorama-(Lug)-Sarkaal ka tirsan mid ka mid ah ururada maxaliga ee ka shaqeeya horumarinta beeraha Somaliland ADO ayaa sheegay inuu ururkaasi sannadkan beereleyda degaanka Boorama siin kari waayey shinidii iyo qalabkii qodaalka beeraha ee uu ku taakuleyn jiray beerleyda wakhti roobaadka, dadkaasina ayhaatan haysato baahi dhinaca cuntada ah .
Xasan Xuseen Nuur ahna wakiilka ama madaxa Ururkaasi ADO ee G/Awdal ayaa hadalkan ka sheegay shir uu la yeeshay beereleyda degaanka la yidhi Sogsogley oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Boorama una dhaw xadka Itoobiya isagoo beeraleydaasi u sheegay oo kale in waxa qudha ee ay sannadkan beeraleyda u qaban karaani tahay xidhitaanka beeraha loo xidhayo biyaha hadii ay roobabku u bilowdaan si looga ilaaliyo nabaadguurka, isagoo intaa ku daray in sanadkani yahay kii ugu xumaa ee weli soo mara beereleyda degaanka Boorama iyadoo abaaraha iyo roob la’aanta haatan taagani haddii ay sii socoto ay abaartaasi galaafan doonto noolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan dhulka beeraha .
Hadalka wakiilka ADO ee G/Awdal ayaa sidoo kale kusoo beegmay wakhti uu beerladeyda degaankaasi ADO ka bilowday xidhitaanka biyaha iyadoo ururkaasi uu cagafcagafyada baldooserada ah usoo kireeyey si loo qabto biyaha dhaafaya beerahaasi, waxana uu intaa raaciyey in hawshii ay ku talogaleen ee xidhitaanka dhulbeereedka biyaha loo xidhayo ahayd ay soo foodsaartay oo kale dhibaato kale oo ka dhalatay dhulbeereeedkaasi oo baabiyeen dadka roobabku isla markaana ay dooxyo ka abuurmeen dhulkii beeraha ahaa taasina ay keentay in halkii ay maalintii biyaha u xidhi lahaayeen ku dhawaad shan beerood aanu itaalkoodu dhaafi karin laba ilaa saddex beerood, isagoo dhinaca kalena sheegay in muranka ka taagan dhulbeereedkaasi oo qaar ka mid ahi isku haystaan soohdimaha beeraha iyo lahaanshaha beerahaasi ay iyaduna dib usii riixayso hawshaasi durbana beero lagu muransan yahay ka faa’iideysan waayeen xidhitaanka beeraha.
Inkastoo roobabka aan sidaa u badnayni shalay ka da’een degaanka Boorama balse roobabkaasi maaha kuwa dhulka qalalan degdeg ugu soo celin karaya qoyaankii lagu falan lahaa beerahaasi.
Ururka ADO xaruntiisuna tahay magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegaa mid ka mid ah ururada maxalliga ah ee guud ahaanba gobolada Somaliland ka shaqeeya horumarinta beeraha iyo degaanka isagoo la aasaasay 1996dii.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama~






Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Urur Beereedka Ado Ee Maxalliga Ah Oo Sheegay Inay Sannadkan Abaaro Haysta Beeraleyda Degaanka Boorama Siin Kari Waayeen Shinidii Iyo Taageradii Qodaalka Beeraha ,Dadkuna U Baahanyahay Cunto Gargaar Ah "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback