Dadwaynaha ayay ka suuro galilaadahay, anaga (Maamulka) ayay ka suurto gali laadahay in wax la hagaajiyo Waxa aan ka marag nahay in shaqaalaha dawlada hoose ay Boolisku is hortaagaan oo ay ka celiyaan marka……..Maayarka Boorama
Baadhis Kadib Boorama waxa ay Noqotay Meel Saxada Hilibka Kawaanadeedu Xun Tahay Maalgaliyayaashu Way Ogolaadeen 6 Bilood ayaanay ku qaadatay in la helo……….Hayada FAO..

Boorama-(Lug)-Waxa lagu wadaa in magaalada Boorama laga dhiso kawaan casri ah oo maalmahan dambe ay hawshiisa u joogaan magaalada hayadahii maalgalin lahaa iyo masuuliyiin ka socota wasaarada xanaanada iyo xoolaha, Kawankan oo mudo lix bilood ah ay hawshiisu cagaha dhigi laa’dahay ayaa manta waxa la iskugu yeedhay Maayarka Boorama, Masuuliyiinta dawlada hoose, salaadiinta gobolka Awdal iyo gole sare oo maamul oo loo sameeyay sidii hawsha Kawaaanka ay u wadi lahaayeen.

Cabdilaahi Rabiile Good  oo isagu ka socday hayada FAO ee maal galinaysa dhismaha Kawaankan ayaa waxa uu sheegay in sahan dheer oo loogu talo galay sidii bulshada ay u heli lahayd Kawaan hilib nadiif ah lagu qalo ka dib ay Boorama iyo Boosaaso u arkeen in ay yihiin goobaha ugu Saxada xun dhinaca kawaanada isla markaana u qalma in kawaan laga sameeyo. Waxa uu  xusay in world bank uu ogolaaday in  la maal galiyo, waxa uu xusay in 6 bilood ay ku qaadatay hayadaha maalgaliyayaasha ah  in la helo goob laga dhiso.  Maanta salaadiinta ayaa nala joogta waana  maalintii loogu rajada badnaa. Waxa la yaab leh Nina gurigiisa looma hagaajiyo balse waxa ay dadkeenu ku madax adaygeen in ay nadaafada hilibkooda hagaajiyaan.

Oday Axmed Kaahin oo ka mid ah odayaasha Boorama ayaa waxa uu xusay in loo baahan yahay in la dadaalo, waxa kale oo uu sheegay in aad loogu baahan yahay bulshada la wacyi galiyo isla markaana xusay inuu aad u dhibsaday  muuqaalada uu arkay manta ee laga soo duubay Kawaanka Boorama. Waxa uu ka digay hadii aanan wacyigalin la samayn isla markaana aanay dawlada hoose ka hawlgalin sidii ay hawsha u dhaqaajin lahayd in aanan la helayn cid isticmaasha kawaankan cusub.

Suldaan cabdi Jaamac Dhawal oo isaguna ka hadlay shirkan ayaa waxa uu xusay in ganacsatada hilibka iyo dawlada hoosaba ay ku dhaliilan yihiin nadaafad darada iyo saxa xumada ka muuqata kawaankada hilibka lagu qalo ee Boorama, waxa kale oo uu ku Booriyay in ay ganacsatada iyo Dawlada hoose xaalada manta kawaanada wax ka badalaan isla markaana ay aruntu tahay mid aanan sugi Karin kawaanka la dhisayo iyo sahanka la samayn doono, ” Waxa iman doonta waqti la hilib beelo inta umada la wacyi galiyo hadiikalese nadaafd xumadan wax ha ka badalaan, mar uu ka hadlayay meesha laga dhisi lahaa kawaankan ayaa waxa uu sheegay in dhul la hayo balase la isku haysto meeshii ku haboonayd ee noqon lahayd in la helo, waxana uu balan qaaday in uu fulinayo.

Maayarka Boorama oo isaguna ka hadlay madashan ayaa si kulul isaga difaacay dhaliilo tiro badan oo loo soo jeediyay Dawlada Hoose waxana uu yidhi “Dadwaynaha ayay ka suuro galilaadahay, anaga (Maamulka) ayay ka suurto gali laadahay in wax la hagaajiyo Waxa aan ka marag nahay in shaqaalaha dawlada hoose ay Boolisku is hortaagaan oo ay ka celiyaan marka ay soo galaan suuqa bacadlahii hore oo ay saxadiisu xuntay, taasina waa wada shaqayn la’aanta jirta”.

Waxa kale oo Maayarku sheegay in uu manta ku faraxsan yahay in ay Salaadiinta iyo odaydhaqameedyadu la arkaan meesha iyo hawsha ay dawlada hoose maalin walba gacanta ku hayaan, waxa kale oo uu sheegay in sidan oo kale ay tahay suuqyada khudrada lagu iibiyo ee Boorama, waxa aan u baahanahay anagu in lanala qabto wax hadii kale waxa dhici doona wax ka wayn ” Yaynaan qiiroon marka aan shir nimaad, marka aan xaafadaha tagnana yaynaan wada noqon qabiil, marwalba waxa loo baahan yahay in si wada jir ah loo shaqeeyo.

Dhibaatada haysata kawaanka manta la isticmaalo mar uu ka waramayay ayuu sheegay in biyaha oo ka yimaad dhinaca bari ee magaalada aawadeed ay yihiin kuwa sababay in nadaafadu xumaato ” Imika qaa laqaadaa hadhaaga xoolaha la qalayo iyo qashinkoodada, waxase aan xilka nimid iyada oo la is dul tuulo oo aanan la qaadin. Dhaqaalaha dawlada hoose waa yaryahay mana dabooli karno in aan maalinwalba nadiifino, waxana haboon in aan la iswaydiin maxay dawlada hoose u qaban laadahay wax ee ha lanala qabto, balse ma jirto cid na soo booqatay. Ma jirto lahaansho iyo cid ka naxaysa wadankan, waxa ay ahayd in hore lanoola xisaabtamo balse cidna ma hayno.

Waxa uu nuxurku yahay halka laga dhisi lahaa ayaa la isku haystaa 6 biloodba, waa la soo shiiday deeqbixiyayaasha, shuruudaha laga doonayo samaynta Kawaankana waa kuwo cad, anaga oo eegayna waxaas oo dhan ayaa sababtay in uu September gaadho samayntiisu. Waan qeexi doonaa sababaha, waxana aan ku rajo waynahay in August horaanteeda la bilaabo si la iskaga kaashado, horana diyaar ayuu u ahaa anaga uun baanu naga suurto gali laayahay. Inta ka horaysa waqtgiga bilawgan waxa la doonayaa in waxqabadka dhinac looga soo wada jeesto.

si kastaba ha ahaatee kawaankan ayaahawshiisu imika maraysaa meeshii ugu fiicnayd isla markaana labilaabay in dadka si wayn looga wacyi galiyo iibsiga hilibka aan lagu qalin meelo saxo wanaagsan leh iyo isticmaalka kawaankan cusub marka uu dhamaadaba.

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama