Borama-(Lug)-Warar ku dhaw xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee G/Awdal ayaa sheegaya in xafiis been abuur ah kana shaqaysta hawlaha xafiiska cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda dhawaan la xidhay iyadoo aan ilaa imika wax war ah laga haynin inta bilood ama sannadood ee xafiiskaasi been abuurka ahi ka shaqayn jiray magaalada dhexdeeda.
Sida wararku sheegeyaan arrintan ayaa soo baxday kaddib markii gaadhi laga leeyahay gobolka kana shaqaysan jiray Hargeysa iyo Jabuuti loo sameeyey waraqadaha sharciga gaadiidka oo kasoo baxday xafiiska Boorama balse aakhirataankii la ogaaday inaanay warqadahaasi ahayn kuwa ka baxay xafiiskaasi gaaadhigaasina anu wax xidhiidh ah lasoo samayn xafiiska cashuuraha berriga ee magaalada Boorama.
Arrintan oo ka fajicisay maamulka xafiiska cashuuraha berriga Boorama kaddibna sida la sheegay uu qoraal u gudbiyey xafiiska baadhista dembiyada kaddibna lasoo qabtay laba nin oo lagu tuhmay inay lug ku lahaayeen faldembiyaadkaasi lagu lunsaday lacag malaayiin shilin Somaliland ah.
Sida wararku sheegeyaan labadaasi nin oo mid ahaa kuwa iska lahaa gadhiga cashuurta beenbeenta ah loo sameeyey midna ahaa ninka isaga uu ku caddaday dembigaasi aya la sheegay inay maxkamadda G/Awdal ku xukuntay hal sano oo xadhig ah ciqaaabtaasi oo ka yar faldembiyeedka laga galay mid ka mid ah xafiisyada ugu dhaqaale urrinta badan leh ee ka furan g/awdal.
Maamulaha Xafiiska cashuuraha berriga Boorama Timacadde oo Aan wax ka weydiiyey ayaa sheegay in ay wax ka jiraan balse wax tafaasiil ah ka bixin sida wax u dhaceen iyo qaddarka lacageed ee xafiiskaasi ka lunsaday xafiiskiisa .
Sarkaal ka tirsan xafiiska baadhsita dembiyada Boorama kana gaabsaday in la magacaabo ayaa sidoo kale sheegay inuu maqlay arrintaasi balse meesha ay ku dambaysay aAnu ka warhayn.
Xeer ilaaliyaha Gobolka Awdal oo aan isku dayey inaan wax ka weydiiyo ayaan isna Hargeysa kusoo maqnaa iina suurtagelinweyday inaan dhab ahaan ogaado xukunka caynkaas ah ee sannadka ahi inuu u dhigmo faldemiyeedka llaga galay xafiiskaasi lana adeegsaday shaabadihiisii iyo dekumentigiisii oo been abuur ah.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horreysay ee lagu shaqyatso dkumentayaal been abuurah oo uu leeyahay xafiis ka mid ah xafiisyada dawladda ee Boorama ka furan.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xafiiska Cashuuraha Berriga Boorama Oo La Sheegay In Xafiis Kale Oo Been Abuur Ah Laga Garab Furtay Dadna Loo Xidhay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback