Sida aynu la wada socono dal-ka Somaliland waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo mid kastaaba adaygiisa wakhtigiisa iyo waayihiisaba lahaa, rafaadkii iyo dhibtii illaahay waa inaga samata bixiyey oo waynagaa maanta xasiloonida ku naaloonayna.

Marka intaas laga yimaado dalku waxa uu soo maray sadex doorasho oo hore waxa aynu imika isku di-yaarinaynaa oo u hub qaadanaynaa doorashada fooda inagu soo haysa ee u qoondaysan bisha September oo qabashadeedii iska daaye aanay saansaanteediiba muuqan taasina uu sababteeda leeyahay Madaxweynaha oo uu cimrigiisu gabaabsiga yahay, waayo waxa uu ku guuldaraystay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho- xor iyo xalaala markii kal hore ay xisbiyada iyo guurtidu ay u kordhiyeen, waxaanu mar afraad maanka ku hayaa in loo kordhiyo.

Waxaynu si fiican uga wada dharagsanahay khilaafka iyo wada shaqayn la,aanta ka dhex aloosmay xubnaha komishanka oo ay ilaabeen shaqadii ay ummadda u hayeen oo ay xubiniba ta kale eedaynayso oo uu xaalkoodiina noqday (gudi madax banaan ha lanoo saaro).

Sidoo kale waxaynu ogsoonahay faragelinta xoogan ee lagu hayo komishanka, taasina waa ta dhaxalsiisay inaanay hawlaha seerfarku wakhtigoodii ku soo bixi doonin oo ay xukuumadu si toosa gacmaha ugula jirto.

Marka taa laga yimaado anoo ka mida bahwaynta UDUB waxa uu Madaxweyne Rayaale ka dhigay xisbigii mid uu keligii u taliyo oo uu xukunkiisa u wado si macangagnimo ah, siduu doonana uu ka yeelo waxaana taa u daliila afduubkii qaawanaa ee uu kula kacay shirweynihii labaad ee xisbiga UDUB ee uu yidhi cid igula tartami kartaa ma jirto.

Waxa uu ragaadiyey dhaqaalihii dalka, iyada oo uu dekedii Berbera albaabada u laabay, Sayladii xoolaha ee Burcana uu afka ciida u daray iyo fadhataysiga xoolihii ummadda ee uu hadba nin kooto ugu xidhay, musuqmaasuqa baahay hadalkiisa daa inuu imikana u soo dhigtay in uu iibiyo garoomadii caruurtu ku ciyaari jirtay, waxaas oo aan soo sheegay malaha Madaxweyne dhankaaga waaba dedaal.

Intii uu xukunka hayey Madaxweyne Rayaale waxa uu ku fashilmay inuu fuliyo balan qaadyadiisii doorashada ka hor, sidoo kale inuu fuliyo mashaariicdii uu dhawr sano ka hor dhagax dhigay oo ay wali sidii u yaalaan iyo mida ugu muhiimsanayd oo ahayd inuu ictiraaaf soo hooyo, dhamaanba balanqaadyadiisii kuwo kale oo badaniba waxa ay noqdeen kuwo lagu hungoobay oo noqday hal bacaad lagu lisay.

Geesta kale waxa waayahan isa soo taraysay fadhataysiga iyo iibinta goobihii danta guud ee dawlada oo lacagta lagu iibiyaana ay ku dhacdo jeebadaha ashkhaas gaara oo aanay galin miisaaniyada dawlada Madaxweyne dadweynaha Somaliland way garteen cida maslaxadooda ka shaqaynaysa, cida khilaafka iyo musuqmaasuqa caadada ka dhigatay oo halkay shalay joogeen darajooyin baa uga kordhay oo waxay ku leeyihiin ( ku baranay oo kuuma noqono ).

(Markaa Caqligaagu Yuu Noqon Cudur Adiga Kuu Daran, Cadibtaye Naftaadii Yaanay Adiga Kaa Caban ).

dhinaca kale waxa kugu sifoobay gabaygii gaboose ee ahaa ( Kaa Dareer Dadweynuhu Cidlaad Daah Ku Xidhaysaaye, Doorashada Inoo Qabo Dan Baa Daarta Kaa Wadiye

waxa aan guntii iyo gunaanadkii leeyahay (xidiguhu Riyaaloow halkii xalay ma joogaan, xiliga is bedalayiyo bilii xaadirka ahaaye xagaagaaba laga yaabayaa xays inuu da,o ).

Haatuf.net

.