Annagoo ah ardayda dhigata xarunta Tababarka Saxaafadda Burco ee T I T C waxaan baaq iyo cambraaynba u soo jeedinaynaa Xukuumadda annago ka dhiidhiiyayna kana murugaysan wejiga cusub ama marxaladda adag ee ay wajahday saxaafadda xorta ahi, iyadoo aanay Somaliland caado u ahayn cabudhinta saxaafadda xorta ah ama ku Tumushada xuquuqda warbaahinta madaxa bannaan iyo weliba xorriyatul qawlka, ayaa waxa labadan sanno ee u danbeeyey 2008-2009 waxay saxaafadda somaliland wajahday marxalad adag, iyadoo marxaladdan ay wajahday saxafadda xorta ahi tusinaysa dad badan ama wadamada aqoonsiga la jecel Somaliland mid aan lagu aqoonsan karin oo weli ay ka jirto xaalad lidi ku ah Xoriyatul qawlka, Hadaba iyadoo la wada ogyahay Doorka ama Kaalinta ay saxaafadda Xorta ah ama madaxa bannaani ka qaadato Horumarka Dalka.
iyadoo weliba ku dadaasha wax kasta oo sumcad iyo wanaag u soo jiidaya Dalka inay sheegto kana sheekeyso, iyadoo aanu Doorkeeda ahayn saxaafadda xorta ah inay balaayooyinka iyo wax lidi ku ah qaranimada somaliland buunbuuniso, iyadoo qof kasta oo caqli leh garanayo xaqa uu dalkiisu ku leeyahay iyo waajibka saaran, iyadoo saxaafadu ka shaqaysa isu soo dhoweynta Dadka walaalaha ah ee carqaladuhu soo dhex galaam iyo dadka kala baaday.
Ayaa waxaad moodaa in xukuumaddu u fasiratay si khaldan qaabka ay weriyaashu u hawlgelayaan, iyadoo loo qaatay in ay weriyaashu ka shaqeeyaan Burburinta ama khalkhalinta Dalka, Hadaba iyadoo aanay taasi jirin oo aanay saxafada iyo weriyaashuba isku dayin inay sheegaan ama tabiyaan waxa khalkhal gelin kara amniga guud ee ay haystaan iyaga laftooduba, ayaa waxa dhacda in weriyayaal Badan la xidho, la jidh dilo, sidoo kale loo hanjabo, iyadoo dhacdooyinka noocaasa ee lagula kacayo saxaafada xorta ah ama warbaahinta madaxa bannaan lagu yaqaano wadamada ay ka jiraan burburka iyo amni darradu taas macanaheeduna yahay in laga dhigayo waddankii mid uu ka jiro Burbur iyo amni xumo, wadamada horumaray ee nabadda jecel waxa lagu yaqaanaa inay dhowraan xoriyatul qawlka oo ay ilaaliyaan saxaafadda xorta ah, balse nasiib darro Somaliland oo qarka u saarnayd aqoonsi iyo weliba in lagu daro liiska dalalka horumaray dhinaca amniga iyo dimuqraadiyadda iyo isu tanaasulka ayaa waxaad moodaa in ay dib isaga celinayso kalsoonidii loo qabay iyo sidii loogu hanwaynaa, hadaba waxaan u soo jeedinaynaa xukuumadda iyo weliba maxkamadaha garsoorka iyo weliba xeer ilaaliyasha dalka in la ilaaliyo sharcigii uu dalku samaysay iyo sumcaddii iyo karaamadii ay lahayd somaliland isla markaasna la iska dhaafo waxyaabaha wax u dhimaya karaamada Dalka, sidoo kale la iska daayo cabudhinta saxaafadda xorta ah iyo xoriyatul qawlka, iyadoo dadku ay dalka u wada dhasheen hadana qof kasta oo camal iyo amni ku haysta Dalka isaga ayaa cid walba uga lexe jeclo badan dalka lagamana yaabo inuu ku degdego in dalka Burbur u horseedo, hadaba haddii si shakhsi ah la isuu weerayo iyo haddii itaal la isu sheeganayoba mar walba waxa haboon in la eego waxa ka iman kara ama ka danbayn doona, maadama ay tahay saxaafaddu waxa keliya ee wax dhisi kara waxna dumin kara, iyadoo caalamku horumarka ay somaliland ku tallaabsatay iyo qaabkeeda maamul iyo shacabku waxay ku nool yihiinba waxa Gudbiyaa ay yihiin Weriyayaal,Hadaba waa in la ogaado in weriyaashu wax dumin karaan oo indhaha caalamka sii jeedin karaan hadiiba ay ku wada talo galaan in dalkan laga gudbiyo wax kasta oo xun wanagiisana xumaan loo bedelo maadama dadka waayo araga ah iyo wadamada caalamkuba ay jawiga dal ama deegaan kala socdaan warbaahin ee aanay Goob joog u wada ahayn, waxa wanaagsan in la dhowro xaqa suxufiga iyo xoriyatul qowlka, waxa dhammaan saxaafadda guud ahaan iyo ardayda saxaafada barata ee iminka doonaysa in ay deegaanadooda ugu sheqeeyaan ama wararka u kala gudbiyaan aaad uga yaabiyey kana xumaadeen xadhiga is daba jooga ah ee aan kala Go’a lahayn ee lagula kacayo weriyaasha iyo sidoo kale handadaadii loo geystay TV ga caalamiga ah ee HCTV, iyadoo loogu hanjabay in gebi ahaantiisba la mijaxaabin doono ama irridaha la isugu laabo, Hadaba iyadoo weriyaashii ka soo qaxay Goobaha colaaduhu ka jiraan sida Konfurta Somaliya ay joogan gobolada Somaliland oo ay nolol wacan soo door bideen ay arki karaan haddana caqabadaha kale ee hortaagan weli saxaafadda maadama ay dalkooda xattaa uga soo qaxeen qaab saxafinimo oo ugaadhsiga saxaafada lagu hayo ay ka soo yaaceen, Hadaba waxa wanaagsan in aan saxaafadda shuruucdeeda iyo karaamadeeda lagu tuman ee loo qadariyo sida ay tahay, iyadoo haddii sidani sii socoto oo mar walba ay dhacdo isku dayo ama qorsheyaal lagu mijxaabinayo warbaahinta madaxa bannaan in ay saxaafaddu ka midaysnaan doonto wax kasta oo ka hor yimaada, ugu danbayna ay dhici doonto sida koonfurta oo kale in idacad ba laga waayo gudaha dalka somaliland ama weriye keliyi joogi kari waayo inta badanina ay shaqada isaga fadhiistaan iyadoo taasina astaan u noqon doonta dadyowga kale ee caalamka, isla markaasna u arki karaan in somaliland tahay dal aan jirin ama tashan kari waayay, In badan waxan ku celcelinaynaa saxaafad ahaan in laga digtioonaado wax kasta oo ka hor imanaya jiritaanka dalka iyo shuruucaha u yaala iyo weliba in la dhowro xoriyatul qawlka la iskana ilaaliyo wax badan oo wax u dhimaya warbaahinta madaxa bannaan, ama caqabad ku noqon kara suxufiyinta ku sugan dalkan yar ee lagu xanto inu haysto Nabad iyo xasilooni iyo degenaansho buuxa.
Suxufiyinta Diraya Baaqan Waa
:
1)Dhammaan hawl wadeenada iyo weriyayaasha Goljano.com
2)Dhammaan hawl wadeenada iyo weriyaasha waryatv.com
3)Dhammaanba hawlwadeenada iyo weriyaasha Berberanews.com
4)Dhamman weriyayasha Gobolada Somaliland eeBaadiyenews.com
5)Weriyaasha xafiiska wararka Xoghaye.com ee Somaliland
6)saxaafadda madaxa bannaan ee Gobolada somaliland
Ardayda waxka barata Xarunta Tababarka Saxaafadda ee T I T C Burco.
1)Ibraahin A/rahman Qasim Tababare
2)Mustafe Osman A/rahman Tababare
3)Ismail abokor iman Arday
4)C/lahi Cisman X.maxamud Arday
5)Maxamud C/raxman Ismcil Arday
6)Jaamac Cabdi siciid Arday
7)C/laahi cali caydiid Arday
8)Nimco Jamac Axmed Ardayad
9)Asma Maxamed Xirsi Ardayad
10)Sabaax Xamse Xirsi Ardayad
11)Ayaan Cabdi Baashe Ardayad
12)Muna Mahad Nuux Ardayad
13)Nimco C/ladiif Xasan Ardayad
14)Muna Dahir Maxamed Ardayad
15)Raxma xirsi X.Cisman Ardayad
16)Fadxi cisman Ducaale Ardayad
17)Farxaan Maxamed Cali Ardayad
18)C/samad Cali Maxamud Ardayad
19)Xayaad Cabdi Caydiid Ardayad
20)Maxamed Khadar Xasan Ardayad
Haddii aanu nahay ardaydan iyo Tababarayaashan kor ku xusan waxan si gaar ah codsi ugu jeedinaynaa xukummada in ay weriyaasha ku xidhan Hargaysa ee ka hawl galayey idacadaha iyo mareegaha wararka ee somaliland Gaar ahaan labadan weriye ee u danbeeyey ee ka shaqaynayay Radi Horyal ku sii dayso sida ugu dhakhsaha badan iyadoo dhinac walba ka fiirinaysa xaaladda Guud ee dalka iyo weliba xaalada warbaahinta xorta ah, sidoo kalena ilaalinaysa Xoriyatul qawlka.Sidoo kale waxaan xukumadda ka codsanaynaain raali gelin buuxa ay ka bixiso hadadaadii lagula kacay TV ga caalimaga ah HCTV, sida ugu dhakhsaha badana xukumaddu raali gelin uga bixiso dhacdadaas sida ba’an u taabatay Guud ahaanba saxaafada xorta ah.
Mustafe Osman A/rahman
Burao Somaliland
Freelance Reporter
2522,4411480


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Burco: Baaq Ay Dirayaan Suxufiyiin Iyo Arday Saxaafadda Ka Barata Machadka Tabobarka Ee TITC. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback