Waxa aan marka hore salaam qiimaya iyo qaayaleh u soo gudbinayaa mareegaha iyo wargaysyada Somaliland iyo kuwa Soomaliyeedba waxa ku amaanayaa shaqada hufan iskaa wax u qabsada ah ee aad haysaan waxa aan aamin sanahay in ay saxafada Somaliland iyo kuw Soomaliyeedba ay buuxiyeen kaalintii looga bahnaa.
Akhristow hadii aan u dago dulucdayda maanta Odhaah Soomaalida dhexdeeda caan ka ah ayaa tidhaa “Madax Meel Ka Saraysa Oo La Salaaxaa Majirto”, halka mid kalena tidhaa “Nin Xil Qaaday Eed Qaad”
Kadib saamaxadii shacabka Jamuuriyada Somaliland u fidiyeen Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin 1991 waxay dhaxal siisay madaxweynimo
Imanshihii Heer Madaxweyne Kuxigeenimo Dahir Riyaale Kaahin
1997 bay ahayd fadhigii kursiga madaxweyne ku xegeenimada lagu fadhiiseyey ee looga xayuubiyey (Md.Abdiraxmaan Awli Tolwaa ) kadib markay wada shaqayn kari wayeen Ilaahay janadii haka warabiyee Maxamed Ibraahim Cigaal kursigaa fadhiyey shansanadood iyo shanbilood shantaa sanadood iyo shantaa horumar iyo hadaltoona loogama baran waxanu kula magac baxay Daahir aamusane
Imanshihii Heer Madaxwayne Ee Daahir Riyaale Kahin
May 05 2002 Kadib geeridii naxdinta iyo anfariirka lahayd Ilahay janadii naxariis haka warabiyee Maxamed Ibraahim Cigaal culumo iyo caamaba Golayaasha Somaliland kadib markii laysu tagay lagoostay lajabiyo Dastuurka Jamuuriyada Somaliland isagana ladoortay halsano kumayl gaadha dalkana gaadhsiiyo Doorasho.
April 14 2003 Sideetan cod oo madmadow farabadani ku jiro kuguulaystay xilkana loogu dhaariyey shansano horleh looguna sheegay in ay kaga eegtahay 14 April 2008 dalkana uu ku gaadhsiiyo doorasho xalaala.
Nasiib wanaag taasi maydhicin waxay noqotay shan sano Somaliland aan meela ugu tirsanayn horumar la,aan, doorsho la,aan badalkeeduna yahay xadhig iyo caga juglayn hadii ay tahay saxaafada iyo siyaasiyiintaba 14 April 2008 ayey loo jabiyey dastuurkii laguna daray halsano jeebkiisaa ahna siijoog marlabaad 14 April 2009 ayaa ku dhamaday shacabka Jamuuriyada Somaliland dushooda oo aan doorasho lahayn jabin danbe ayaa hadana lagu riixay
27 September 2009 taas oo sansanteedu tahay in ay marlabaad ku duldhamaato shacabka Jamuuriyada Somaliland oo aan ahayn habayaratee saxan saxo doorasho .
Hadaba 12 sanadood oo madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu talada Jamuuriyada Somaliland uu gacanta ku hayo maxayn odhan lahayn hadii ilahay laga baqayo waa madaxweyne fashilmay kuna hungoobay raadinta hogaaminta umad u ooman horumar iyo hanaan dowladeed kana qatan ka mid noqosho bulsho waynta caalamka hamuuna u qaba hogaan ka reeban xatooyo iyo horumar la,aan ayku soo jireen 100 sano ee u danbeeyey hogaan xumaaday iyo nasiib hungoobay
Dalkasta oo jira, dhan walba oo laga eegaba waxa mar walba masuuliyadeeda iska leh madaxda dalka ee loo igmaday in ay u hagaamiyaan dal bulshadiisa ku sun tatahay horumar iyo cadaalad sinaan maamul wanaag
Muwaadin kastaa xaq ayuu u leyahay in hogaamiyo dalkiisa waxasa kala saarayaa ay tahay awood qaadka kartiyeed, qofnimo uu u leeyahay haday tahay ku hafashada siyaasadeed ama ku guulaystaha siyaasada dalkiisa iyadoo lo eegayo habdhaqaaleedka iyo habmaamulka wanaaga
Jamuuriyada Somaliland Maxay U Bahan Tahay ?
Umad u baahan hogaan u haga ka mid noqoshada xubin buuxda umadaha bahowday caalamka laguna qiimeeyo waxqabsiga ay la yimadeen maadaama ay taasi u tahay halbeega jiidashada indha caalamka ugu doodi lahayeen dal hurumar samaynaya kana qarsoon indhaha caalamka madaama ay aduunyadu ku qiimayso dalkasta waxqabsigiisa iyo horumarka samaynayo taasi waxa ay sahlaysa indhaha caalamka inaga xidhan in soo jaystaan inoona doodaan
Tusaale
PRESIDENT BARACK OBAMA maxuu Kenya u tagi waayey ee Ghana u tagay ?
Kala duwanashaha hanaanka geedi socodka maamul wanaaga ayuu kala doortay una kala fadilay labada dal mudnaanta u kala siiyey halka Kenya oo uu kasoo jeedana u diiday Ghana oo uuna kasoo jeedina u tagay.
Gunaanad Iyo Talo
Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa In Aad Kuftaa Ceeb Mahaa Halkii Aad ku Kuftay Sii Fadhidaa Ceeba
Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin maadaamu uu soo maray taariikhdaa aan ka soo sheekaynay waa in uu fahmaa in uu ku fashilmay hogaankii dalka marka dhaafsan in umadiisii waxaas oo abaala u gashay ka tuurin meel la garanayn una baneeyaa kursiga si ay cidkale ugu doortaan
Shacabka Somaliland Sooyaalkaa taarikheed ee aad soo marteen ilaa 150 sano ee lasoo dhaafay wax aan ciil iyo qoomamo aan ahayn kama haysaan ilahay waxa aan iniika baryayaa in mar kaliya uu farash qayrqaba inii furo idinkuna bal mar kaliya taladiina cida aad u dhiibanaysaan ka fiirsada
Dantiina ka hormariya ta siyaasiga ilaa lixdankii bohosha idunka ridaayey ee idunkaga tagayey horumarka iyo hayaanka ubadkiina qarniga soo socda ka fakara ceel haku ridina ubadkiina aad dhabarka ku sidaan geedi bilaa sahana ha rarina
Umad maskaxiyan iyo maadiyan iyo caafimaadiyan u fayoow in ladhiso kuna fadhida Cilmi iyo aqoon heer kasta ha gaadhsiisanaatee kana fayow qabiil iyo mandooriye
Danta umadu waxa ku jirtaa in loo sameeyo haygal dowladeed oo ka caagan musuq-maasuq, xatooyo hantiyeen, mid dhuleeed iyo mid dhaqaale barnaamij 10 -20 sanadood habdhaqaaleed iyo siyasadeed oo ku jaan go’an hab nololeedka ka jira gayiga jamuuriyada Somaliland heer waxbarasho isku xidhan ilaa hoose ilaa heer jaamacadeed, cadaalad, Haayado garsoor oo ka caagan tuugada iyo xaaraanta kuna qotoma diinta islaamka iyo cilmiga islaamka, Gole shacab barlamaan oo ku dhisan hab cilmiyeed aqoon kana madax banaan qabiil iyo reer kooxaysi dibudhis dhuleed ilaa heerwado ilaa heer xarrumo wax barasho iyo goobo dhakhaatiireed.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Saleeban Siciid Kabadhe (Danjire)
Coventry, West-Midlands, UK.
danjiree@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Opinion: Madaxweyne Garanay Adiga Inay Dantu Kuugu Jirto Dibudhaca Doorashada Waxa Aad Noo Sheegtaa Shacabkana Maxay Dantu Ugu Jirtaa? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback