jiuyyt.jpgJohannesburg-(Lug)-Xalay  ilaa  maanta waxaa  wadanka  South  Africa ka  mar labaad ku soo laabtay  ajaanib nacayaabkii  oo dad badan soomaali ah wax oo lugu gaystay  iyadoo  tukaano badan lugu boobay. qaarna ay ka soo qaxeen   tuulooyinka   dadka dhibaya ay ka cabanayaan adeegyada asaasiga ah ee dowlada bixiso oo aysan heysan balse mudaaharaadyada waa kuwa geysanaya qasaarooyin lixaad leh, gaar ahaana beegsanaya dadka ugu jillicsan oo ah ajananibta.

Magaalada Balfour ee gobolka faqriga ah ee Mpulanga waxaa cagta la mariyey dukaano faro badan oo ay leeyihiin ajaaniibta, waxaa ka mid ah dukaamo ay Soomaalida leedahay, waxaa halkaasi ku barokacay in ka badan boqol shisheeye ah kuwaasoo ku hoyanaya saldhigyada Police-ka iyagoo naftooda u cabsanaya.

Meelaha kale ee ay rabshadaha dhawaanahan ka dhaceen waxa aka mid tuulada Deipsloot ee u dhaxaysa Johannesurg iyo Pretoria, iyo tuulda Takoza oo 30KM Johannesburg ka baxsan, dhamaan meelahaasi waxay waxyeelo maaliyadeed kasoo gaartay dad ajaaniib ah oo ay Soomaalida ugu horeyso.

Dadka mudaharaadaya waxay doonayaan adeegyada asaasiga ah sida guryaha, biyaha, korontadada, shaqaaleynta iyo waliba gunooyinka gabowga iyo agoonta iyo dadka curyaamiinta ah, waxyaalahani waxay ka mid ahaayeen balanqaadyadii uu sameeyey madaxweynaha Cusub Jacob Zuma oo billo ka hor fariistey madaxtooyada

War laga soo saaray qasriga madaxtooyada ayaa lagu sheegey in waxa dhacaya ay yihiin fal dambiyeedyo aanan loo dul qaadan doonin, kumanaan askarta guulwadayaasha ah ama loo yaqaano Metro Cops iyo ciidamada biliiska ayaa la geeyey goobaha ay rabshadaha ka dhacayaan waxaa illaa haatan xabsiyada la dhigey 99 qof magaalada Belfour.

Sargaal u hadlay ururka jaaliyada Soomaalida ayaa bixinaya tallooyin anfacaya Soomaalida, wuxuu kula talinayaa in ay la socdaan waxa dalka ka dhacaya si ay uga sii gaashaaman karaan haddii dhibaato kusoo food leedahay, in la joojiyo lacagaha jeebabka lagu qaadanayo iyo kuwa dukaamada lagu dhex heysto, waxaa kaloo uu ku taliyey in badeecada dukaamada la galinayo la yareeyo si qasaaruhu u yaraado, iyo in dukaamada laga sameynto albaab dambe oo lagu baxsan karro.

Rabshadihii sanadkii hore dhacay waxaa loo xirxirey dad gaaraya 1400 qof oo ahaa kuwii falalka geystey, hase yeeshee sanad kadib xiligaasi 128 qof kaliya ayaa maxkamad lagu soo oogey oo la xukumey.

18 kii bishan luuliyo oo ahayn maalinta Mandela ayaa dalka oo dhan waxaa laga sameeynayay xaflado lagu weeyneynayo maalintani, waxaa xafladahaasi ka mid ahaa mid ay si wada jir ah u qabteen jaaliyada Soomaalida ee SASA ama Somali Association of South Afrika iyo hey’ada Nelson Mandela Foundation iyo waliba dowlada oo lagu qabtay magaalada Pretoria, tuulada Attridgeville , xafladaasi waxaa looga gol lahaa in lagu heshiisiiyo dadka ajaaniibta ah iyo kuwa deegaanka, halkaasi waxaa raali galin ka bixiyey dadka deegaanka oo Soomaalida ka raali galiyay dhibaatada loo geystey, waxaa aqbalay raali galintaasi.


Wariye:-
Ibraahim Maxamed (Zaki)
Lughayanews-Johannesburg