xudduudda KSA ayay ku caddilan yihiin 80% ka mid ahina waxay taageeri jireen Kulmiye
Riyaad-(Lug)-dhallinyaro reer Somali Land ah oo tiradooda lagu qiyaasey 300 oo qof ayaa ku sugan xudduudda koonfureed ee dalkan boqortooyada Sucuudiga, waxana la sheegayaa in dhallinyartaasi badankoodu ka mid ahaayeen taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, waxayna Somali Land ka soo hayaameen sida la sheegey kadib markii bishii May ee inna dhaaftey la qaban waayey doorashooyinkii dalkaasi.
Nicmaan Cismaan Suldaan oo loo yaqaan (Diktoorka) oo Lughaya news la soo xidhiidhey isaga oo ku sugan magaalada Khamiis Mashiid ee koonfurta dalkan Sucuudiga ayaa sheegay iney dhallinyartaasi dhan tahay 300 oo wiilal u badan, waxayna ka soo xanaaqeen buu yidhi doorashooyinkii Somali Land ee dhawrka jeer dib loo dhigey, iyo sida uu hadalka u dhigey xaaladda dalkaasi Somali Land oo ka sii daraysa.
Diktoorku waxa kale oo uu sheegey in ay dhallinyartaasi 80% yihiin kuwo taageeri jirey xisbiga KULMIYE ee mucaaradka ah oo ay muddo badan sugayeen buu yidhi inuu qabto hoggaanka Hargeysa waxna ka baddelo waaqica taagan, ( haseyeeshee markii doorashadii noqotey mid markasta dib loo riixo ayay isaga soo yaaceen)
waxa kale oo uu Nimcaan intaa raaciyey : (dhallinyartan oo wiilal u badan da`dooduna ay u dhaxayso 18 iyo 30 jir ayaa waxa ay intooda badani ahaayeen ardey ka soo yaacdey jaamacado iyo dugsiyo sare, waxayna ka soo baxeen dalkaasi kadib markii ay jaahwareer iyo niyad jab ka qaadeen xaaladaha dhaqaale, siyaasadeed iyo horumar ahaaneed ee liita ee dalkooda ka taagan)
Nucmaan waxa kale oo uu farta ku fiiqay in dhallinyartan oo dufacado kale duwan ahaayi Somali Land ka soo baxayeen labadii bilood ee u danbeeyey, waxayna doonyaha ka soo raacaan buu yidhi magaalada Ubukh ee dalka Djibouti, Yemen illaa Sucuudigana waxay u soo raacaan buu yidhi gawaadhi si sharci la`aan ah uga ganacsata daad-gureynta tahriibayaasha.
waxa kale oo uu sheegey in ay tahriibayaashani ka soo kala jeedaan gobollada Somali Land oo dhan, illaa 30 meeyo ka mid ahina ay gabdho yihiin, waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyey iney qaarbadan oo ka mid ahi wataan warqadihii ay isku diiwaan geliyeen.
mar uu ka hadlayay xaaladda ay dhallinyartaasi ku sugantahay ayaa waxa uu sheegey in markii ay xuduudda Sucuudiga soo gaadheen u qaybsameen qolo ehello iyo qaraabo ka soo horreysey oo dadkoodu taageerey iyo kuwo halkaasi ku banjaray oo waayey qaraabo iyo xigto ay cuskadaan.
sidoo kale wiil Somaali ah oo la yidhaa Axmad Cabdi Barkhadle oo wax ka barta jaamacad ku taal magaaladan Riyaad oo todobaadkii inna dhaafey booqdey deegaanka Khamiis- Mashiid ayaa Lughaya u xaqiijiyey inuu dhallinyartaasi la kulmey, indhihiisna ku soo arkey islamarkaana ay u sheegeen iney Somali Land ka soo yaaceen kadib markii ay doorasho dhici waydey.
Zakariya Xuseen-Quulle
Lughaya news -Riyaad


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " 300 Oo Dhallinyaro S/Land U Dhalatey Ah Oo U Tahriibey Sucuudiga Kadib Markii Ay Doorasho Dalkoodii Ka Dhici Waydey "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback