Borama-(Lug)-Dugsiga xifdiga quraanka Xaramayn-Shariifayn ee ku yaal magaalada Borama oo la Aasaasay 2003dii, ayay ka qalin jabiyeen difcadii sadexaad ee xifdiga quraanka dhamaysata, xaflad loo sameeyay Ardaydaas ayaa lagu qabtay shalay dugsiga sare ee Al-Aqsa, halkaas oo ay iskugu yimaadeen Ardayda dugsiga Xaramayn-Shariifayn iyo Waalidiinta dhalay, waxa halkaas khudbado ka jeedshay maamulka dugsiga iyo macaliimnta wax ka dhigta dugsigaas.

Dugsiga xaramayn shariifayn wuxuu gudoonsiiyay shahaadooyin lix arday oo xifdiga quraanka ku guulaystay iyo waalidiintii dhalay oo ay siiyeen Jaaisado ah kitaab quraan ah, taas oo ay ku bogaadiyeen sida fiican ee ay caruurtooda ugula dadaaleen xifdiga quraanka kariimka ah. Ardayda dugsiga wax ka barata ayaa ah 32 Arday sida uu sheegay maamulaha dugsigaas Khadar Aadan C/laahi, macalimiinta wax ka dhigta ayay tiradoodu dhantahay 9 macalin sida uu sheegay Sh,khadar. difcadan ayaa ah tii 3aad ee dhamaysata xifdiga quraanka ee dugsigan.

Dhanka kale waalidiinta Ardayda ayaa ka mahadceshay sida fiican ee dugsigu ugu dadaalay waxbaraista Ardaydan, Ismaaciil Riiraash oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa yidhi’ waxaan u mahadcelinaynaa macalimiinta iyo maamulka dugsigan sida fiican ee ay dadaalkooda u wadaan, wuxuu intaas raacshay in ayna ka caajisin wax baraista caruurta, waalidiintana looga baahan yahay ka warhaynta caruurtooda iyo sida ay wax u baranayaan.
Ardayda dhamaysatay xifdiga quraanka ee Dugsiga xaramayn shariifayn ayaa
magacdoodu kala ahaayeen
1- Amiin Foosi Ismaaciil
2- Maxamuud Foosi Ismaaciil
3- Cawaale Cismaan xasan
4- C/rasaaq xasan C/laahi
5- C/raxmaan Maxamed Jaamac
6- C/nuur Ciise Muuse
Hashim Goth
hashimgoth@hotmail.com







Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dugsiga Xifdiga Quraanka Ee Xaramayn Shariifayn Borama Oo Shahaadooyin Siiyay Arday Dhamaysatay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback