Borama-(Lug)-Munaasibadani oo kaga duwanayn qalinjabinadii hore arrimo ay kaga mid yihiin dhinaca dhadhanka iyadoo lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee wilwalaha iyo Sayliciga oo caan ay ku yihiin dadwaynaha reer Awdal iyo Salalba, waxay arrintaasi dad badan oo aan hore ugu arki jirin munaasibadihii qalinjabinada loo samaynayay oo aan tani ku jirin ayaa dareenkooda waxay ku biirtay farxad iyo raynrayn oo ka markhaati kacaysa in jaamacada Camuud ay heelan tahay soo noolaynta dhaqanka iyo hidaha ee reer Somaliland.
Munaasibadan oo maanta ay ka qalinjabiyeen 147 Arday oo iskugu jiray Diploma iyo Degree waxay kala qalinjabiyeen shan kuliyadood oo kala ah Dawada iyo Qaliinka, Deegaanka iyo Beeraha, Sharciga iyo Qaanuunka, Maamulka iyo Maaraynta, iyo Kuliyada Waxbarashada, waxana ka qaybn galay Wasiiru dowlaha waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada, Gudoomiyaha gobolka Awdal, Maamulka Jaamacada Camuud, Ardayda dhigata jaamacadasi , Waalidiintooda, Qurba jog iyo hayada FC Denmark, hayada ADT, Hayada European Union, iyo NGO-yo wadaniya oo kala duwan.
Munaasibadaasi oo hadalo warbixin iyo soo dhawayn ah uu ka jeediyay gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof.Saleebaan Axmed Guuleed ayaa waxa uu sheegay in intii ka dambaysay qalinjabintii todobaad oo ku beegnayd 10 guuradii jaamacada Camuud ayaa waxa uu ku tilmaamay in ay gaadheen guulo badan oo la taaban karo waxuuna carabka ku dhuftay in Camuudi ay tarantay oo maanta ay shaqaynayaan midhihii ay soo saartay, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu sheegay in jaamacada 1998 bilowgeedii ay dhigan jireen 600 balse maanta horumar waxa ay tiradu maraysaa 1600 oo Arday oo kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada wax ka barta, waxuu sheegay inay ka horl galaan 118 macalin oo Ajanabi iyo muwaadiniin iskugu jirta, waxa uu u mahad celiyay hayadaha FC-Denmark, European union , ADT, iyo hayada Progressiyo, oo uu cadeeyey inay qayb ka yihiin horumarka jaamacadu ku talaabsatay waxuuna intaasi raaciyay inay dhismayaal kala duwan oo dabaqyo ah mudadaasi lagu kardhiyay jaamacada, waxa kale oo ay jaamacadu samaysay hanti ay leedahay, waxuuna sheegay in maanta mushaharka jaamacadu ay bixiso uu gaadhayo $45000 Bilkasta waxuuna uu carabka ku dhuftay in 20 guri ay uga kiraysan yihiin magaalada oo ay degaan dadka ka howlgala Jaamacada,
Waxa kale oo uu sheegay waxa maanta wax lagu faano ah in Internetkii uu jaamacada ka dhex jiro halkii awal aan tagi jirtay magaalooyinka, Prof Saleebaan oo sii hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ waxaanu xoojinay xidhiidhka gudaha iyo dibada ee jaamacadu ay la leedahay waxaanu imika ku talo jirnaa qorshaha in lagu kordhiyo kuliyada Engineeringka, Dentist iyo Computer science, jaamacadana waxa weeyaan hormuudka jaamacadaha Somaliland, waxuuna tilmaamay in tayaynta maamulka Jaamacada ay wax ka badaleen isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Inamadii Jaamacada ka soo baxay oo dibada ku soo qaatay MBA ayaa imika Kuliyado badan madax ka ah aniga iyo kuxigeenkayagana waxa aan diyaar u nahay inaan iyaga ku wareejino, ugu dambayntiina waxa uu sheegay in Kijabi Hospital dhakhaatiirta inooga timaada ay jaamacada Camuud dalka keentay waana arrimaha loo baahan yahay in lagu sii balaadhiyo Jaamacada Waxqabadkeeda”.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige ayaa isaguna mahadnaq iyo hambalyo u jeediyay Ardayda maanta qalinjabinaysay Maamulkooda iyo waalidiintoodaba, dadaalka badan ee ay sameeyeen.
Gudoomiyaha Gobolka waxa uu sheegay in loo baahan yahay in nabadgalyada xoojinteeda meel looga soo wada jeesto si dalku horumar ugu talaabsado waxbarashaduna inoogu hano qaado.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wakiilka European Commission waxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay hantidii ay bixiyeen oo wax badan lagu qabtay waxuuna balan qaaday inay had iyo jeer hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Jaamacada Camuud waxna aanay ka hagranayn.
Waxaa isaguna ugu dambayntii halkaasi ka hadlay Wasiiru Dowlaha waxbarashada Somaliland Mr.Garaad waxuuna amaan u soo jeediyay Maamulka Jaamacada Camuud oo uu ku tilmaamay inay horseed u yihiin aqoonta dalka waxuuna cadeeyey inaanay Wasaarada Waxbarashadu ka hagranayn iskaashina la yeelanayso sidii ay Arday aqoon casriyaysan ay u soo saari lahaayeen waxuuna waliba xusay in Arydayda qaybta Waxbarashada ee Macalinimada ka soo baxda ay wasaaradu howlgaliso wakhti kasta intii ka soo baxda.
Wariye:-
Abokor Hasan Affi
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Qalinjabinta Dufcadii 8-aad Ee Kulliyadaha Kala Duwan Ee Jaamacada Camuud Ayaa Maanta Lagu Qabtay Hoolka Wayn Ee Jaamacadaasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback