Borama-(Lug)-27-ka Bishan July oo ah manta ayaa ah maalintii ugu dambaysay loo qabtay arrimo badan oo la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka Somaliland .Shalay oo kale waxa bilaaban lahaa oloha doorashooyinka
ee xisbiyada qaranku ugu bixi lahaayeen gobolada kana soo bixi lahaayeen xafiisyada iyo guryaha caasimadda ee ay had iyo jeer ka hadlaan, Shalay oo kale ayaa sidoo kale waxay ahayd maalintii lasoo afjari lahaa kala shaandhayntii codbixiyayaasha Somaliland ee ku kaydsanaa aaladda loo yaqaan serverka, isla shalay oo kale waxay ahayd maalin komishanka, deeqbixiyayaasha, xisbiyada qaranka iyo dawladdu soo afjari lahaayeen khilaaf kasta oo u dhexeeyey muddo ka badan sannad .
Marka la eego sida wax u socdaan iyo sida haatan la arkaayo ,waxay cid kastaa garawsan kartaa inaan dalka doorashooyin ka dhacayn wakhtyigii loo cayimay Inkastoo reer Somaliland dhammaysteen wax kasta oo khilaaf ahaa oo dib u dhigi kara doorashooyin kaasi waxase weli yaalla arrin ay lug ku leeyihiin dalalka ajnebi ah ee bixiyaa qaadhaanka lagu galayo doorashooyinka iyo kharashyada looga baahan yahay inay doorashadu ku qabsoonto.
Dalalkaasi oo isugu jira dalalka reer yurub, qaramada midoobay, maraykanka iyo hay’adda qandaraaska ku haysata doorashooyinka Somaliland ee Interpeace, ayaa haatan waxay wadaan olole kale oo aad mooddo inuu lugta jiidayo qabsoomidda doorashooyinka Somaliland .Laba bilood ama lixdan maalmood oo keliya oo ka hadhay doorashooyinkaasi ayaa moodda in dhinacyada loogu talo galay inay dhaqaajiyaan doorashooyinkaasi bilaabeen shuruudo kale, amarro kale iyo carqalado kale oo doorashooyinkaasi ka dhigaya mid an wakhtigoodii ku ku qabsoomin .Dad badan ayaa moodayey in xisbiyada qaranka qaarkood dawladda iyo golaha guurtidu wadaan doc ka wareen ay doorashooyinkaasi ku carqaladaynayaan balse la ogaaday inuu jiro dhinac kale oo aad mooddo inuu ka xoog badan yahay dawladda, xisbiyada iyo golayaasha Somaliland kuwaasoo dalalka deeqda bixiya .Waxay soo jeediyeen in la beddelo xubno ka tirsan komishanka, waxay soo jeediyeen in xisbiyadu beddeleen xubnahooda kaga jira komishanka, isla markaan shruudo qarsoon iyo kuwa cadba ku xidhay dawladda iyo xisbiyada .
Arrinta ugu weyn ee ugu dambaysay shuruudaha deeqbixiyayaasha ayaa haatan ka bilaabatay serverkii ay gacanta ku hayeen isla markaana lagu shubay xogtii diiwaangelinta dadweynaha Somaliland ee codeyn karaya .Waxa la sugayey inay maanta sheegaan natiijadii serverka balse xalay mar aan eegayey warbixin laga jeeninayey TV-yada madaxa bannaan ayaan ku ogaaday in sheekada serverku tahay sheeko kale oo cusub ayna adgtahay sida looga l;ug baxo .Deeqbixixyaashu waxay shuruud ku xidheen dawladda iyo xisbiyada qaraankuba inay doorashooyinka ku galaan diiwaangelin doorashada maantuna aanay soconayn bilaa diiwaangelin .Inkastoo xisbiyada mucaaradku jeclaayeen sidaasi balse waxa muuqata inaya haatan sheekada serverku la qadhaadhaatay isla markaana ay garan laayihiin dhinac ay uga dhaqaaqaan shuruudaha deeqbixixyaasha, Dawladda oo iyada lagu khasbay diiwaangelinta ayaad mooddaa inay arrintan serverku neef qabow kasoo saartay maadaama ay dibu dhacday kala shaandhayntii serverku ay muuqato inaan xisbiga UDUB lasoo marsiinayn doorasho bilaa diiwaangelin ah, xaalkuna u ekaan doono mid mar kale lagu kala bixi waayo .Inkastoo xisbiyada mucaaradku sheegeen inay xitaa bilaa diiwaangelin geleyaan doorashooyinka waxa meesha yaal sharcigii diiwaangelinta oo aanay dawladdu marnaba ka saamaxayn xisbiyada mucaaradka.
Si kastaa ha ahaatee sheekada ku saabsan kala shaandhaynta serverka ayaa noqon karta caqabad kale oo reer Somaliland geyeysiin karta dibudhac kale oo ku yimaadda doorashooyinkii la fiulayey 27ka Septembar, Somaliland dib ugu celin doonta qayladii, murankii iyo arrimo kale oo keeni kara xasiloonidarro iyo cadho kusii biirta kuwii hore uga jiray Ceelberdaale, Jidgooyadii lagu laayey dadka rayidka ah ee aanan loosoo qaban ciddii geysatay, gaabiska diyaargarawga doorashooyinka iyo lacag la’aanta deeqqbixiyaashu ku hayaan bilowga doorashooyinkaasi waxayna taasi dad badan oo reer Somaliland xusuusinaysaa sida dalalka debedda ee deeqbixiyaasha dawladaha qaarkood ugu eedeyn jireen faragelinta arrimaha gudaha ee dalalkooda, sidaa darteedna doorka maanta ay deeqbixiyaashu ku leeyihiin doorashooyinbkaasi hadday fulin waayaanna loo qaadan karo shirqool Somaliland lala maagganaa .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shuruudaha Deeqbixiyayaashu Ma Yihiin Kuwa Dib U Riixi Kara Doorashooyinka Somaliland ? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback