Aqoon Iswaydaarsi ku saabsan sidii xog looga heli lahaa baahiyaha loo qabo kawaanka cusub ee Borama laga dhisayo isla markaana loogu baraarujin lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada faa;iidada ay leedahayin hibibka lagu qalo kawaan casri ah ayaa maanta uga furmay Hotel Rays 30 xubnood oo iskugu jira Salaadiin, Ganacsato, Masuuliyiin iyo dadwayne kale.
Aqoon iswaydaarsigan maanta oo uu ka qayb galay Maayarka ku xigeenka magaalada Borama Muumin Gadiid ayaa sheegay in aqoon iswaydaarsigan faa’iido wayn uu u yahay bulshada waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ka qayb galayaashu ay masuul ka yihiin sidii loo kobcin lahaa waxyiga bulshada ku aadan dhismaha kawaankan, waxana uu ka dalbaday in waayo aragnimooyinka uga soo baxa aqoon iswaydaarsigan ay bulshada inteeda kale la kaashadaan.
Waxa kale oo aqoon isdaarsigan ka hadlay ku xigeenka madaxa mashaariicda ee hayada TERRE SONIDALI oo iyagu aqoon Iswaydaarsigan qabatay, waxan auu carabka ku dhuftay inay lagama maarmaan in qaybaha kala duwan ee xilsidayaasha bulshada lagu wacyi galiyo faa’iidada uu leeyahay in hilibka lagu qalo kawaan cusub oo noocan oo kale ah, waxana uu carabka ku dhuftay in aqoon iswaydaarsigu uu socon doono muddo labo maalmood ah .
Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsan Baahiyaha Loo Qabo Kawaan Casri Oo Borama Yeelato Oo Maanta Borama Ka Furmay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback