Hargeysa-(Lug)-Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta shir ay xuruntooda ku yeesheen oo socday saacado badan ka dib waxay go’aamiyeen in la laalo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ka dib markii ay sheegeen in Haayada Inter-peace ee gacanta ku haysay kala shaan dhayntii diiwaan gelintu ay ku guul daraysatay inay soo saarto natiijo rasmi ah.
Sidaasi waxa lagu sheegay war-murtiyeed ay maanta soo saareen Komishanka doorashooyinka oo uu ku Saxeexnaa Guddoomiyahooda Md. Jaamac Maxamuud Cumar.
Qorlaakaasina oo dhammaystirani wuxuu u qornaa sidan:-
“Markaanu aragnay baaqashada liiskii codbixiyayaasha ee kamadambaysta ahaa ee Hay’ada Interpeace laga sugay ee u mudaysnaa shalay oo ay bisha July ahayd 27, 2009.
Markaanu eegnay in muhiimada doorashada Madaxweynuhu dhawrka goor u baaqatay ay ahayd in la helo liis xalaal ah oo aan ku celcelis lahayn. Markaanu eegnay in muhiimada Diiwaangelinta codbixiyayaashu ahayd in la helo doorasho xalaal ah oo qofkiiba hal mar kaliya codkiisa dhiibto.
Markaanu aragnay daraasad laga sameeyay Serverka iyo tayadiisa software ku inay aad u hoosayso oo aanay lahayn hufnaantii looga baahnaa, markaanu aragnay in aan tiradii xogihii laga soo diiwaangeliyay dalka oo dhamayd 1,363,162 oo codbixiye marka laga reebo 96111 codbixiye oo lagu reebay xoftii sawirka iyo farta oo midna lahayn tayadii lagu kala saari lahaa.
Markaanu aragnay natiijada Serverku qabtay ee ah 120219 xogood isla markaana ay noqotay niitajada 1,146,832 xogood. Markaanu aragnay soo jeedimaha lagu marin habaabinayo ummada ee afka loo gelinayo in lagu doorashada natiijada aanu serverku kala saarin.
Markaanu aragnay in hawshii Serverka ay dayaceen shirkadihii qandaraaska la siiyay oo aan lagu maamulin laguna daba galin inay ka soo baxaan waajibkooda.
Markanu aragnay warbixinyii qabiirka Maraykanka ahaa oo si cad u sheegaysa in aan la isticmaalin software kii loo baahnaa inuu isku shaan-dheeyo labada xogood ee farta iyo sawirka wajiga taasi oo cadaynaysa inaan wax shaqo oo hagaagsan laga qaban arrintaasi.
Markuunu aragnay in sii daba gal danbe oo serverka lagu sameeyaa u adeegayn doorasho wakhtigeedii qabsoonta.
wuxuu Guddida doorashooyinka Qaranka ayaa in mashruuca Diiwaangelinta codbixiyayasha somaliland ugu fadhiyo qiimo aad u wayn dhaqaale badana qaadhaan-bixiyayaasha iyo dadwaeynaha somaliland kaga baxay taasina ay tahay maadaamo oo aan doorashadan wakhti lagu kala shaandheeyo loo helin in doorashooyinka danbe lagu talogalo in laga sii shaqeeyo oo la hufo si doorashooyinka danbe loogu galo haday suurto gasho.
Waxa oo ay GDQ u arkeen inay muhiim tahay in dib loo eego shirkadihii hawsha loo igmaday si loo xisaabiyo lacagtii qaadhaan bixiyayaasha ka baxday.
Hadaba anaga oo maanta maanka ku ahayna xilka qaran ee aanu u hayno iyo maslaxada ummada-ba, GDQ waxay si aqlabiyad ah ku go’aamiyeen soo jeedinta in doorashada Madaxtooyada ee Somaliland lagu galo diiwaangelin la’aan maadama oo aanay najiito xalaal ahi ka soo bixin serverkii. Doorashoodiina ay ku qabsoonto wakhtigii ay u mudaysnayd ee 27 september 2009.”
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Laalay Diiwaan Gelintii Codbixiyeyaasha Go’aamiyayna In Diiwaan Gelin La’aan Lagu Galo Doorashada Madaxtooyada. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback