cuid-kulmiye.JPGSida aynu wada ognahay dalkani waxa uu galay diiwaan galin buuxda bishii octobar 2008 natiijadii diwaan- galintaasi aad bay inoogu raagtay hasa yeeshee waxa la soo gaadhay gabogabadii diiwaangalinta.

Maanta oo ay taariikhdu ahayd 27/7/09 Mr samoro oo ka socda hay,adda interpeace wuxuu soo hordhigay sadexda xisbi qaran iyo komishanka natiijadii serverku soo saaray oo tiradeeduna tahay 1,146,832 oo ah tirada maanta la hayo Mr,samoro isaga oo ka duulaya wakhtigii doorashada loo mudeeyay oo gabaabsi ah wuxuu soo bandhigay saddex arimood oo doorashada wakhtigeedi lagu qabankaro

In arintaas diiwaangalinta iyo serverka lasoo afjaro lana qaato laguna hawlgalo tiradaa kor ku xusan

In khubaro dheeraad ah iyo software cusub la hawlgaliyo si waliba loo sii kala shaandheeyo tiradaa kor ku xusan

In diiwaangalintii la,laalo doorashadana lagu galo bilaa diiwaangalin.

Hadaba, labada xisbi qaran UCID IYO KULMIYE iyagoo ka duulaya halgankii iyo kharashkii faraha badnaa ee loo soomaray diiwaangalinta, iyagoo ay ka go’an tahay doorasho xor iyo xalaal ah, iyagoo tixgalinaya deeqbixiyayaasha iyo taagerayaasha Somaliland ee ajanabiga ah waxay go,aansadeen inay danta dalka, dadka iyo dimuqraadiyadaba ay ku jirto in si kama danbays ah loo aqbalo tirada serverku soo saaray, sidaasna lagu hawlgalo doorashadiina loogu diyaar- garoobo si ay u dhacdo wakhtigii loo mudeeyay.

Waxa ayaan darro ah in xisbul xaakimkii shirkii uu maanta uu ka cadeeyay inaanu ku kalsoonayn, aqbalidoonina tiradaas uu serverku soo saaray, xisbul xaaakimku wuxuu ka horyimi oo uu jabiyay heshiiskii hore loo kala saxeexday ee qeexayay in la aqbalo natiijada kasoo baxda serverka.

Waxay nala tahay in go,aankaas xisbiga udub ka soo yeedhay in uu micnaheedu yahay inaanay u diyaar ahayn doorasho xor iyo xalaal ah oo dalkan ka dhacda una gogol xaadhayaan muddo kordhis danbe oo ka hor imanaya go,aamadii gudidii dhex dhexaadinta khilaafadkii siyaasiga ahaa ee la aqbalay inaan korodhsiimo danbe aanay dhicin

Labada xisbi qaran UCID IYO KULMIYE waxay qaylo dhaan u dirayaan umadda reer Somaliland goloyaasha qaranka, culimo uudiinka, hogaan dhaqameeedyada, waxgaradka, ganacsatada iyo dhamaanba taageerayaasha Somaliland guddo iyo dibadba in loo soo gurmado sama tabixinta iyo badbaadada qaranka Somaliland dedaal weyna looga galo in doorashadaasi wakhtigeedi ku qabsoomto iyadoo lagu salaynaayo natiijadaa serverku soosaaray

Waxaanu ka digaynaa cawaaqib xumada iyo burburka ka imankara haddii lagu guuldaraysto in doorashadaasi ku qabsomi waydo wakhtigii loo mudeeyay waxa gidigeen ku waajib ah in laga hawlgalo lagana hortago ciddi ku talinaysa in doorashadaasi dib u dhacdo ee horseedaysa soo dedejinta burburka dalka.

Waxaanu xusuusinaynaa xisbiga udub iyo madaxweynaha soomalilandba inay hore u aqbaleen kuna balan qaadeen inay ogolaandoonaan natiijada kasoo baxda serverka iyo inaanay marna higsandoonin muddo kordhis danbe , ummada Somaliland waxay ka filaysaa inay oofiyaan ugana fadhidaa inay fuliyaan go,aamadaas iyo heshiisyadaa ay hore u aqbaleen waxaanuna xasuusinaynaa mar kale go,aanka ay maanta qaataan ee arintaa ku saabsan in taariikhdu xusi doonto allaha awoodda lihina kala xisaabtami doono.

Ugu danbayn waxaanu ka codsanaynaa goloyaasha qaranka inay gutaan xilkooda distooriga ah ee ka saran badbaadada qaranka iyo ka hortaga burbur qarran,

Ramaasnews