somaliland-logo.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu shalay si rasmi ah uga qayb galay dhaartii Xubinta cusub ee loo soo magacaabay Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Xubintaasi cusub oo loo soo magacaabay Mudane Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar”, waxa uu buuxiyay jagadii Laga qaaday Xubintii hore ee Xisbiga UCID , ka dib markii lagu helay in uu si habsami ah u gudan waayay xilkii loo igmaday.

Xubintaasi cusub oo uu dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada sare Mudane Maxamed Xirsi Ismaaciil, iyadoo Madaxweynaha hortiisa lagu dhaariyay, lagana codsaday inuu sida ugu dhakhsaha badan xilka culus ee loo magacaabay ula wareego.

 

Allaa    Mahad      leh

 

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL