supremecourt.jpgHargeysa-(Lug)-Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa manta shan nin oo maqan ku xukuntay dil, ka dib markii ay ku eedaysay inay soo nashqad-eeyeen  weeraradii is qarixinta ahaa ee lala beegsaday xarunta madaxtooyada Somaliland, xafiiskii wakiilka Ganacsi ee Itoobiya iyo Xaruntii UNDP, 29-kii October ee sanadkii la soo dhaafay, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen 24 qof, halka ay ku dhaawacmeen soddameeye kale.
 
Garsoore ka tirsan Maxkamada Gobolka Hargeysa  C/rashiid Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xukunkaasi kaga dhawaaqay fadhi ay maxkamada lagu horkeenay 11 maxbuus oo loogu soo qab-qabtay falkii qaraxyadii 29-kii October, oo uu Garsooruhu sheegay inay 9 ka mid ah xoriyadoodii u soo celinayaan oo maxkamadu sii daysay, halka laba nin ee kalena lagu xukumay midkiiba sanad iyo lix bilood oo xadhig ah, ka dib markii la sheegay in lagu helay inay ishortaageen baadhistii dacwadan.
 
Shanta nin ee Maxkamada Gobolka Hargeysa, ay dilka ku xukuntay iyagoo maqan ayaa magac-yadoodu  kala yihiin, Axmed Cabdi Xuseen, C/fataax C/Laahi Guulleed, Axmed-nuur Maxamed Maxamuud, Cismaan Yuusuf Odawaa iyo C/Laahi Xuseen Yuusuf.

Buuq iyo sawaxan xoog leh ayaa hadheeyay maxkamada horteeda ka dib markii uu Xeer ilaalinta Guud ee qaranku ay maxkamada ka dalbatay inay racfaan ka qaadatay amarka maxkamadu ay xoriyadoodii u soo celisay 9 ka qof. Waxaana ciidanka booliska ee goobta ku sugnaa ayaa rasaas kor u ridayay si ay dadkaasi u kala eryaan mana jiro wax khasaare ah oo halkaasi ka dhashay.

Maxkamada Gobolka Hargeysa, ayaa dacwada falalkii qaraxyadii Hargeysa ku gudo jirtay  muddo lix bilood ah.

Ramaasnews