dr-xaamud1.jpgKhortoum ( Lug)-Ardey reer Jabuuti ah oo wax ka barata dalka Sudan oo Lughaya News la soo xidhiidhey islamarkaana codsatey inaan magacdooda la shaacin ayaa sheegtey in wasiirka awqaafta iyo arrimaha Islaamka ee Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan oo haatan ku sugan dalkaasi Sudan uu xalay magaalada Khartuum kula kulmay inta ay isku reerka yihiin ee ka midka ah ardeyda reer Jabuuti ee dalkaasi wax ka barta intii kalena uu irridaha ka soo xidhey.

Ardeydaasi waxa ay sheegtey in ay 20 nin oo ka soo jeeda beesha ka talisa Djibouti oo kaliya la kulmeen wasiirka, iyada oo uu kulankuna ahaa mid aan cidkale la ogeysiin sida ay ardeydaasi sheegtey.

Ardeydaasi waxa ay sheegeen inay arrintaasi aad ula yaabbanyahiin, waxaaney hoos ka xarriiqeen in ay ardeyda reer Jabuuti oo dhami xaq u leeyihiin la kulmidda masuul  kasta oo dalkooda xil u haya, mana aha bay yidhaahdeen inay masuuliintu ardeyda soo kala dhawaystaan.

Ardeydaasi waxa kale oo ay caddeeyeen in uu khilaaf qabyaalad iyo cunsuriyad la xidhiidhaa u dhaxeeyo ardeyda reer Jabuuti ee Sudan wax ka barata, in muddo ahna ay isku maandhaafsanyihiin dhisidda golaha fulinta ee midowga ardeyda reer Jabuuti.

Afhayeen u hadlay ardeydaasi aya isaga oo arrintan ka hadalaya  yidhi: ( khilaafkaasi soo jiitamayay muddada badani waxa uu gaadhey in sannad guuradii xorriyadda dalka yaga labo meelood lagu kala qabtey sannadkan, xataa maalintaasi labo ardey baa isku fara saarey arrintaa awgeed, waxayna kala ahaayeen mid ka soo jeeda beesha Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle  iyo mid ka dhashey beesha xaaska madaxwaynaha  Marwo Khadra Maxamuud Xayd).

Isaga oo gacan ka hadalkaasi faahfaahin ka bixinayana waxa uu yidhi: gacan ka hadalka maalintaasi labada wiil dhex maray waxa uu ka danbeeyey markii uu midkood calanka kor u qaadey, kii kalena ku yidhi calanka umaad dhalane dhig).

Sida laga warqabo Dr. Xaamud Cabdi Suldaan oo dalkaasi Sudan wax ku soo bartey ayaa lagu tilmaamaa inuu ka midyahay wasiirada ugu daacadsan golaha xukuumadda Jabuuti, waana markii ugu horreysey oo loo soo jeediyey tuhun qabyaalad iyo qaraabeysi la xidhiidha.


Lughaya news - Khortoum