81.jpgBorama-(Lug)-Waxaa maanta Maxkamada Rafcaanka oo ah darajada sadexaad ee maxkamadaha ka jira gobolka Awdal ay xukun dil ah ku riday Axmed Aadam Cabsiiye
 oo ay ku cadaatay sida uu noo sheegay Cabdi Cawl Maxamed oo ah gudoomiyaha maxkamada Rafcaanka ee gobolka Awdal in uu dilay sanad ka hor Cabdi Baashe Idiris Meecaad waxaana arrintaasi lagu hayaa ayuu yidhi qoraal iyo markhaatiyaal ay keeneen maxkamada horteeda xeer ilaalinta iyo dacwad soo oogayaasha.

81.jpg

Waxaa kale oo shalay isna maxkamadu ku xukuntay xadhig dhan 5 sano Axmed Deeq Daahir Ducaale oo da’diisuna tahay 27 sano ka dib markii ay ku cadaatay in uu  kufsaday gabadh maskaxda wax uga dhiman yihiin goor hore oo sanadkan ah.

91.jpg


Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Borama