Ceerigaabo-(Lug)-Maayarka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa Shalay dhagax dhigay Dhisme Cusub oo lagu Kordhinayo Cisbitaalka Shifo ee Magaaladda Ceerigaabo, dhismahaasi oo ay Maalgelisay Hay,adda Samafalka ah ee MANHAL waxaana ku baxaya kharash dhan 30 kun oo Dollar. Dhismahan ayaa ka kooban 8 Qol oo ah nooca VIP da loo yaqaano.
Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo Xafladdii loo sameeyay Dhagax dhiga Dhismaha Cisbitaalka ka hadlay ayaa sheegay in Cisbitaalkani kaaalin Wax ku ool ah uu kaga jirro adeega caafimaad ee Gobolka Sanaag , Waxaanu u mahad celiyey Hay,adda Manhal oo uu ka dalbaday inay sii waddo hawlaha samo falka ah ee ay ka fuliso Gobalkaasi .

Dr. Maxamuud Axmed Maxamed [Shiine] oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Hay,adda Manhal isla markaana door weyn kasoo qaatay dhismihii iyo aasaaska Cisbitaalka Shifo imikana gacanta ku haya dhismahan cusub, ayaa hadal uu ka jeediyay xafladaas waxa uu kaga warramay Marxaladihii uu soo maray Cisbitaalkan, waxaanu xusay in xiligan laga waddo Cusbitaalkan ololayaal caafimaad oo lacag la’aan ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin baadhista Xanuunadda Carruurta, Dumarka qaliinadda guud iyo lafaha waxaanu u mahad celiyay Dhakhaatiirta ka hawl gasha cisbitaalka Shifo .
Dhismaha Cisbitaalka Shifo ayaa soo maray Sedex marxaladood oo laba ka mid ah ay Hirgelisay Hay,adda Manhal halka markii kalena ay Fulisay Hay,adda Qarnul ifriiq, Waxaa sidoo kale gacan ka geystay kharashiyaadka ku baxay dhismayaashii hore Shirkadda Dahabshiil.
Gobolka Sanag oo inta badan la daalaa dhacaya adeegyada caafimaadka oo yar iyo dhakhaatiir la;aan ayay xilligani noqonayaa markii ugu horraysay ee ay dhakhaatiir intan tiro le’egi oo wata takhasusaas kala geddisan oo la xidhiidha noocyada cuduradda iyo qalliinada kala duwani ay ka hawlgalaan guud ahaan gobolka sanaag gaar ahaan Cusbitaalkan Cusub ee Shifo.
Tan iyo intii la aasaasay cusbitaalkan Shifo ayuu wax weyn ka bedelay baahidii caafimaad ee gobolkan ka jirtay inkasta oo aanu wada dabooli Karin.
Ismail Hussein Mohammed
ismailhm@hotmail.com



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dhisme Cusub Oo Lagu Kordhiyey Cusbitaalka Shife Ee Ceerigaabo "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback