Bari baa waxa jirey wiil lagu magacaabi jirey Gobyaale markuu wiilkii korey kaalin qaadna noqdey ayuu dameerey darajadii ninimo, doob inuu noqdey ayuu dubaaqiisa galiyey, hamo guur oo gasheyna garaadkiisey wehelisey, sida dhaqankii hore ee soomaaliyeed laga dheehan karo marka uu wiilku guur ku hamiyo macnaheedu waxa weeyi geeloogii baa is-gaadhey oo guule u barakeeyey, hamiga guurka ee Gobyaale galey wuxuu guud cad iyo cadeyn-ba u yahay in geeloogii dhan walbe is-gaadhey, Gobyaale gabadh ay isu-degaan yihiin oo dubaaqiisa ku jirtey iney gaari dumar tahay ayuu u geed fadhiistey, guntin gobnimo, geel fara badan iyo gamaan faras ayuu ka bixiyey, gabadha magaceedu waa Maqan, markii loo hooyey mudana ay ka soo wareegtey dadab galkoodii ayey Maqan ku curatey wiil magiciisa loogu warqaley Ayaanle, Maqan markey umul baxdey ayuu Gobyaale habeen habeenada ka mid ah la shawrey xaaskiisii wuxuu sheekada marba meel u aroorshaba wuxuu ku soo af-meerey aroorta hore ayeynu guureynaa, Maqan markii uu maqalka dhageheeda uu ku soo dhacey go,aanka Gobyaale aqbal iyo ijaab ayey ugu jawaabtey.
 
Subixii markuu sagalkii ced-ceedu galac yidhi ayaa reerkii la furey si ay u gudo galaan geediga ay raadkiisa xaley ku joogsadeen, qof kastiba hawshii reerka halkii uu ka rari lahaa ayuu raarta ka qaadey, wiilkii ay dhaleen ee dhaayaha u ahaa kol ahaan taa waxa uu ku jiifaa kabad yar oo reerka duleedkiisa taal, markii rarkii la dhameys tirey ayuu Gobyaale ratigii faruurta qabtey oo uu qun yar u dhaqaaqey, hooyo Maqana hareertiisa dambey socodka laba qaadey, mar ay ced-ceedu miley dheer tahay meel dheerna ay marayaan ayey Maqan horaadadeedii ka dareentey caano hooraya, misana wuxuu maankeedu ogaadey in wiilkii ay jecleyd goshaba ugu jirin (Ayanle) ”Qaladka waxaa ugu wacan qeydka ay jeeni qaaran tahay waxaa ku jira gorofkii caanaha lagu lisayey” qeylo ayey af-labadii kala qaadey oo ay ku hadaaqdey Hoogey oo ba,ayeeey, Gobyaale oo garaadkiisu gorfeynayo daalka geediga ayaa gadaal soo deymoodey siga oo moodaya inuu bahal wareersan soo weerarey, waranka iyo gaashaanka ayuu giijistey weydiintii gacaladiisu waxey noqotey Naa maxaa ku Heley? Maqan oo jahwareersan ayaa ku jawaabtey kii yaraa ayaan duleedkii reerka ku soo iloobey!!!
 
Akhristaha shafarta mudanow mar ahaan taa haddii aad Gobyaale ahaan laheyd maxaad marwadaa ka yeeli laheyd?
 
Gobyaale halkii ayuu orad ka bilaabey wuxuu sii gucleeyaba gaadh, goobtii reerku ka soo guurey saaka, duleedka ayuu u baxey wuxuu soo dul-joogsadey wiilkiisii curad wuxuuna arkey wax alaale iyo wixii habar qudhaanjo ee degaanka joogey inta ay isu-habar wacdeen waaxyaha jidhkiisii qeybsanaya, oohin af la kala qaado waa danee tii beerka ayuu barqadii saaka Ayaanle dhameystey, halkii buu Gobyaale tow kala soo yidhi kii yaraa, wuxuu gadaal noqodkiisii soo gucleeyba soo gaadh Maqan oo Awrkii rarku saarnaa oo seeteysan sinta bidix ka joogta, Gobyaale inta uu deganaan ugu dhiibey kii yaraa ayuu dhawaq dheer ku yidhi Naa ilmaha Naaska ku dug.
 
Waxey socdaanba casar gaaban oo ced-ceedu godka dhinaca saartey ayey reer Gobyaale soo gaadheen meel Rays leh, rabi ayey talo saarteen, rarkii bey dajiyeen, reerkiina halsaa bey fureen, fooraha kala guurkiyo gaada socodka noloshoodu waxey guul gaashaanka ku haysaba maqan waxey Ayaanle dabadii Gobyaale u dhashey todoba maddax oo ay labo mataano yihiin, dabadeed waxaa timid abaar daba dheeraatey taas oo degaankii ay deganaayeen iyo degaanaddii kale ee ka ag-dhawaa taabatey, wakhtigaasi waa wakhti uu wiilkii Ayaanle korey kaalin qaad reerkooda kaafiyeyna ku caan baxey, rag isuma jiree halyey halkaraan muuqda ayuu noqdey, maalin maalmaha ka mid ah ayuu go,aansadey in uu reerkooda u sahan tago meel biyo iyo baad leh, sidaas darteed socdaal ayuu u anbo-baxey isaga oo aan reerkoodii ka dheeraan reer abtigiina dhex socda ayuu mid baas oo beesha abtiyaaladii ka soo jeeda misana gaashaan qaad macangag ah isaga oo aan ka warqabin waran aanu filaneyn garabka kaga fadhiisiyey inta aanu gal-galan Ayaanle ayuu galka bilaawihii kala baxey oo uu hadana hunguriga ka gowracey, wadka loo dhalayee sidaas buu Ayaanle geeridii ku qaabishey, warkaa dhiilada xambaarsan markii uu soo gaadhey beeshii Ayaanle ka dhashey aad baa looga wada xumaadey, Gobyaale oo dhaley wiilka la gowracey iyo guurtidii beeshu waxey go’aan ku gaadheen in la keeno ninkii diley oo dabadeed loo dilo hase yeeshee beeshii uu ka dhashey gacan ku dhiigluhu ayaa midhaas maqalka dhagaha ka fureysatey, beeshii kalana aamus ayey miciin bidey, muddo markii ay ka soo wareegtey ayey beeshii gacanta geysatey ka shikidey guuxa aamusku la hurdee beesha kale horeyso, go,aan deg deg ah waxey ku gaadheen in ay yidhaahdaan wiilkii wax diley waa la waayey waxaanse walaalahayow inii garaney mag laba nin in aan wiilkii ka bixino maadaama si xun wiilkayagu u diley, Gobyaale oo goobta gartu ka dhaceyso dhex jooga ayaa markii uu maqley midhaas inta uu farxey misana faan-faan fukuc ka yidhi fadhigii ayuu wiilkiisii fariidka ahaa noloshiisii iloobey isaga oo aan fahmadiisa ka fiirsana yidhi Abkayow marka wiilkaa la helo hablaheygaan mid siiyey, (Hubsiimo hal geelaa la siistaa).
 
Gobyaale gabadh buu wiilkii ku darey, magtii geelana midig buu ka tirsadey hadaba madasha maxaa taala oo ay magtii dhag xumo ka tagtey? waxey reebtey in marka geedka lagu kulmo kaftankuna guud furto gobyaale nacasnimadiisa  marka uu is digaacayo in uu miciin bido maah-maah maskaxdiisa ka soo maaxdey masaladeeduna tahay: Dumar sidaan ka yeeley yaa ka yeeley? ragse sidaan ka yeeley yaa ka yeeley?
 
Maddax dhaqameedka reer Awdal ee ay inoogu war dambeysey ragii ha la soo qabto waa kuwan hadalka huursanayee malaha hamuumtii magtaa gashey oo waxey maagan yihiin ragii  musaafurka gowracey iney hablo u mehershaan? Marka ay salaadiinta somaliland ku kaftamayaan madal loo dhan yahay yidhaahda reer Gabiley sidaan ka yeelney rag yaa ka yeeley? Midhaas iyo Mag u muuq eeg iney maanta meel mar noqoto macbuudkaan ka hoos galney ha yeeshee Xulashada Murtideydu waxey Tahay: Shaxda la dagey wali maad garan weyna kaa shisheysaa, irmaanta qaadisteeda indhahaagu ka baqayaan barey quwadeedu noqon qisaas bilaashka bulshada reer ADAL.
 
Marka aan milicsado xukuumada talada taysa oo ka yara meereysaneysa iney gacanta midig ku soo dhigto kuwii musaafurka gowracey waxaa maankeyga gala masalada ah Malaha dawladu diraaba uma aha in ay hawshan u hagar baxdo? Waxey tidhi islaantii Ninka intaa Xoogu leeg yahay inanteyda kama ilmo dhali waayin ee hamrashaa jirta!!!
 
Waa hubaal in ay meesha ka maqan tahay maareynta milatari mici-ku-dhiiglaha maalin qudha ku soo qabta qorshaha diirada aan qaadaa dhigayo maanta wuxuu muujinayaa Dawlada doorshaa waashey, Server baa wareeriyey, Interpeace baa walaaqdey, walbahaarka komishanka haystiyo weerarada kulmiye kaga imanayey masuuliyaddii difaaca muwaadinka shacabka ah ku iloobeen.
 
Wabilaahi Tawfiiq

Qalinkii Abdirasaaq Hammaal
E-mail:rasiiqi07@hotmail.com