Qof kasta oo xil loo dhiibaa, waxa uu xilkaas kala tagaa ammaan ama eed ay bulshadu u hayso, waxa uu shaqada ka fadhiistaa ama isaga oo la inkaarayo, oo la leeyahay baguu naga tagay, ama waxa uu ka tagaa isaga oo loo ooyayo la isna leeyahay toloow yaa inoo badali doona hal-doorkaas xilka ka tagay.

Iyada oo ay jireen Maayaro dadku mahadiyo oo magaalada soo maray barigii hore, ayaan maanta jeclaystay in aan wax ka idhaahdo maayarkan hadda xilka haya, ee ah duqa caasimada iyo gudoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa mr Jiciir.

Haddaba mudadii uu Maayorka ahaa Engineer Xuseen Maxamuud Jiciir, waa ku dhawaad todoba sanno imaka, muxuu todobadaas sanno Jiciir qabtay ee muuqda ?

Kolay Hargeysi waa magaalada u wayn Somaliland, uguna baahida badan xagga waxqabadka suurto galna ma aha in 100% la buuxiyo baahiyaha jira, waxaase laga yaabaa in wax badan la qaban karo. Haddaba waxqabadka Jiciir waxa aan ka eegi doonaa hal dhinac oo ah xagga laamiyada.

Laamiyadu waxa ay ka mid ahaayeen cabashooyinka u badan ee haysta dadka Hargeysa, waxaana lagu andacoon jiray dawladii Siyaad Barre kadib laami lama dhisin, gawaadhiduna waa ay sii badanayaan.

Haddaba hadalkaas waxa waxba kama jiraan ka dhigay Engineer Jiciir oo bilaabay, qabanqaabiyay, u hawlgalay, dhamaystiray, isla markaana unkay laamiyo badan oo Hargeysa ku yaalla, kuwaas oo dadka reer Hargeysa ay indhahooda ku arkeen, gawaadhidooda ku mareen, dul lugeeyeen, si fiicana ay uga dharagsan yihiin.

Dadka aan Hargeysa joogina waxaan filayaa waxa warka gaadhsiiyay warbaahinta kala gadisan sida idaacadaha, wargeysyada, mareegaha internetka iyo TV-yada.

Wadooyinka uu dhisay Engineer Jiciir, waa qaar qurux badan, tayo leh, oo lagu reeyay, waxaana kuwa u mihiimsan ku jira jidka isku xidha saldhiga dhexe illaa maxkamadaha, oo culayskii ka qaaday jidka wadnaha ee Hargeysa. Sidoo kale meelo farabadan oo markii hore boodh ahaa, dhasna ummada kaga kici jiray ayuu Jiciir u badalay jid laami ah oo lagu raaxaysto socokiisa

Gabagabadii waxa u wayn ee maayar Jiciir geeri iyo noloba lagu xasuusan doonaa waa dhismaha wadooyinka, oo ku kaca qarash aad u fara badan,  Jiciirna waxaan ku magacaabi lahaa “maayarkii wadooyinka”.

Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi’
Hargeysa-Somaliland
saedmgahair@hotmail.com