117.JPGBorama-(Lug)-Ururka horumarinta iyo dhiirigalinta ee Dymon waa urur ka howlgala oo ka shaqeeya dalka JSL gaar ahaan gobolka Awdal degmada Borama.

Ururkan waxa aas aasay dhalinyaro si mutadawacnimo ah isku kaashatay fikradooda, wakhtigooda, maalkooda iyo waxkasta oo horumar iyo hore u kaca bulshada ku jiro.

117.JPG

Hadaba ururkan dhalinyarada ee Dymon oo la aasaasay 01/07/03 dhalinyaradii aas aastay oo hada kala jooga dalka iyo dibadiisa, waana urur ka sharciyaysan JSL lana shaqeeya hayadaha dowliga ahayn iyo kuwa dowliga ahba.

29.JPG

Ururku waxuu bulshada u qabtaa howlo faro badan oo samofal iyo barnaamijyo lagu dhiirigalinayo dhalinyarada sida barnaamijka sida barnaamijka lagu magacaabo todobaadka Aqoonta oo uu qabto ururkani dhalinyarada sanadkasta bisha 7aad ayna ka qayb qaataan dhalinyarada Jaamacadaha, dugsiyada sare iyo kuwa dhexe maadaamay aqoontooda ay ka dhiman tahay 40% taasina ay ku jirto aqoon iswaydaarsi noocan ah oo ay la kulmaan ama kaga faa’iidaystaan aqoon yahay bulshada dhexdeeda ah sida Telecommunication sida ay u shaqeeyaan, Caafimaadka guud si ay uga waraystaan waxyaabaha halin galin kara caafimaadka bulshada.

310.JPG

Waxa kale oo barnaamijyadan ururku uga faa’iideeya wakhtiyada fasaxa sida sports oo ay ka qayb qaataan fakir wanaagsan sida isaga jimicsiyo ku dhex samayn kara maqsinkiisa dhexdiisa isaga oo kaga maarmaya inuu u baxo dibada  ama garoonka.

47.JPG

Sports waa xubin gobolka Awdal aad uga curyaamay maadaama oo aanay dhalinyaradu gobolku helin gacoono ku filan oo ay jimicsiyo kla duwan ku sameeyaan.

Sidaa awgeed ururku waxa kale oo uu u qabtay 2003-2007 tartano ahaa ciyaaraha fudud oo isagu jira orodka 5km ah iyo ciyaarta qori isku dhiibka ah oo ay ka qayb qaadanayeen dugsiyada sare iyo jaamacadaha waxana taageero ka siiyay Dahabshiil iyo W/Waxbarashada.

Waxa kale oo uu ururku bulshada ka wacyi galiyaa cudurada dilaaga ah sida HIV/AIDS iwm, waxaa kale oo uu caawiyaa dadka baro kacay iyo bilkastana uu quudiyo afar qoys oo ah kuwa ugu baahan gaar ahaan xaafadaha xarunta ururku ka furan yahay ku hareeraysan.

Hadana ururku waxuu diyaar u yahay cidkasta oo wax la qabanaysa barnaamijyada samofalka iyo horumarka

Kala soo xidhiidh

Alldymon@hotmail.com
00252-2-616248, 00252-2-4451345, 00252-6-451345


Qore:-
Agaasimaha ururka Dymon
Mustafe Cumar Cige