Hargeysa-(Lug)-Xukuumada Somaliland ayaa manta dalka ka saartay wakiilkii hay’ada interpiece u joogay Somaliland , kadib markii kominshanku doorashooyinku ay ka dalbadeen wasaarada arimaha gudaha in hay’adaasi wadanka laga saaro waxaanay ku eedeeyeen inay ku guul daraysatay inay soo saarto natiijo kama danbays  ah oo ku saabsan kala shaandhaynta diiwaan galintii codbixiyayaasha.

Waxaa kale oo uu  ku eedeeyay Wakiilka inuu Si sharci darro ah Shalay Galab ugu qaybiyay Xisbiyada Qaarkood Natiijadii diiwaangelita Codbixiyayaasha ee Muranku Ka taagnaa.

Hay’ada interpiece ee dalka laga saaray waxay ahayd marinkii deeq bixiyayaasha caalamiga ah ay dhaqaalaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda u soo marin jirtay Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID eng. Faisal Cali waraabe, ayaa cambaareeyay talaabadda xukuumadu dalka kaga saartay wakiilkii hay’ada interpiece, waxaanu ku tilmaamay, go’aan meesha ka saaraya cilaaqaadkii Somaliland beesha calamka.

Faisal Cali Waraabe waxa uu soo dhaweeyay natiijo ay dhawaan xisbiyada ay horkeentay interpiece oo la xidhiidha in diiwaangalintii cod bixiyaashu ay ka soo hadhay tiro ku dhaw hal milyan iyo laba boqol oo kun.

Ku simaha gudoomiyaha xisbig kulmiye ,  Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna cambaareeyay talaabada dalka lagaga mastaafuriyay wakiilkii haayad interpiece, waxaanu ku adkaystay in talaabadaasi ay salka ku hayso in madmadow la galiyo doorashooyinka  soo socda.

Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Mudan Jamac Yasin Farah ayaa si niyadsami ah u soo dhaweeyay go’aanka dalka lagaga saaray hay’ad interpeice oo uu ku tilmaamay in ay ku xad gudubtay shuruucdii wadank u yaalay isla mar kaana ay carqaladaysay diiwaan galinta cod bixiyaasha.

Ramaasnews