In Doorashadii Diiwaan Gelin La’aan Lagu Galo, Arrin Dadka Raali Gelin Kartana Ma Aha, Wax Mujtamaca Caalamiga Ah Raali Gelin Kartana Ma Aha”.
Hargeysa-(Lug)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi,ayaa maanta Huteelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa ka furay shir la xidhiidha dardar gelinta iyo u diyaar garowga olalaha doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 27-ka Bisha September 2009-ka.
Guddoomiyaha Wakiiladu wuxuu u mahad celiyay maamuleyaasha xisbiga UCID ee ka kala yimid gobolada dalka, waxaanu yidhi “Shirkani wuxuu ka dhigan yahay bilowga olalaha doorashada ee xisbiga UCID, marka hawl la galayana waxaa muhiim ah in sida hawsha loo qabanayo ay wada jir u qorshaystaan, arrinta maanta ugu weyn ee aynu iskugu nimidna waa wada tashi iyo war isa siin.”
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxuu ka hadlay go’aanka Komishanka ka soo baxay ee la xidhiidha in doorashada lagu galo bilaa diiwaan gelin, waxaanu yidhi “Caqabado badan ayaa jiray intii badnayd waynu ka soo gudubnay, maanta waxa soo korodhay in lagu dhawaaqay in doora-shadii diiwaan gelin la’aan lagu galo, arrin dadka raali gelin kartana ma aha,arrin mujtamaca caalamiga raali gelin kartana ma aha.
Wali wada hadal ayaa ka socda, waxaana loo dhiraan dhirin doonaa sida ugu wanaagsan ee ay doorashadu ku suurto galayso Somalilandna ku badbaadayso.”
“Dhamaan shuruucdii ku saabsanayd doorashadu way inoo samaysan yihiin haddii ay tahay Xeerkii doorashada Goleyaasha Madaxtooyada iyo deeg-aanada oo hore u jiray.
Xeerkii diiwaan gelinta iyo wax ka bedeladii iyo kaabistii xeerarkaasi waynu samaynay iyo is-waafajintoodiiba, caqabadaha jiraa ma aha kuwa inaga hor istaagi kara xisbi ahaan inaynu diyaar garowno. Wakhtigii sharcigu tilmaamayayna waynu taagan nahay xiligan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu.
Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf) iyo Murashaxa madax-weyne Ku Xigeenka UCID Prof. Maxamed-rashiid Sh. Xasan, waxaanay ka warameen qorshaha xisbigaasi ugu diyaar garoobayo hanashada talada dalka
Dhinaca kale waxa warbixin shirkaasi ka soo jeediyay Guddoomiyeyaasha Gobolada ee xisbiga UCID.
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Guddoomiyaha Golaha Wakiilada S/land Oo Ka Hadlay Go’aankii Komishanka Ee Diiwaan Gelintii Lagu Laalay. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback