hanbalyo1.jpgRiyaad-(Hambalyo)-Dhammaan shakhsiyaadka ay magacdoodu hoos ku qorantahay oo deggan magaalada Riyaad ee Sucudiga ayaa waxa ay hanbalyo iyo boogaadin u dirayaan Mudane Ismaaciil Maxamad Xuseen iyo Najwa Mustafa Harun oo uu meherkoodu khamiistii dorraad ee 30 kii bishii 7aad ka dhacay magaalada Riyaad,
 iyada oo ay munaasabaddaasi ahayd mid la isku arkey oo si heersare ah loo soo agaasimey, haddaba shakhasiyaadkan hoos ku qorani waxa ay Ismaaciil iyo Najwa ilaahay uga baryayaan farxad iyo barwaaqo waarta, iyo waliba ubad khayr badan oo diintooda iyo dalkoodaba anfaca,,, aamiin.

Sidoo kale gellinka danbe ee maalinta Axadda ee barri ah ayaa loo ballansanyahay xaflad-arooseed balladhan oo si weyn loo diyaariyey laguna qaban doono hoolka munaasibadaha ee Najuud oo ku yaal bariga magaalada Riyaad, kana tirsan goobaha ay dabaqadaha sare xafladahooda ku qabsadaan.

Ismaaciil Maxamad Xuseen iyo Najwa Mustafe Harun,,, wiil iyo caano gabadh iyo caano,, gacal iyo sokeeyaba guurkiinna lagu farax.
waxa hanbalyada diraya:

Aabbo Maxamad Xuseen iyo dhammaan qoyska reer Maxamad Xuseen
Abbo Mustafe Harun Maxmuud iyo xaaskiisa hooyo Faiza Cabdilllaahi iyo waliba carruutooda
Xuseen Jaamac Suldaan iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa
Abuubaker Muuse iyo xaasaskiisa iyo carruurihiisa
Baddel Ismaaciil Caamir iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa
Idriis Jaamac Suldaan iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa
Yusuf Cismaan Xirsi (Qowdhan) iyo xaasaskiisa iyo carruurihiisa
Yusuf Ciise iyo xaasaskiisa iyo carruurtiisa
hooyo Dhool Muxumad Hufane iyo carruuteeda
Ismaaciil Cabdi Ibraahim iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa
Axmad Maxamad Siciid iyo xaasaskiisa iyo carruurihiisa
Xasan Nuur Kooshin iyo xaaskiisa iyo carruurtiiisa
Idriis Xuseen Diiriye (500 leh) iyo xaasaskiisa iyo carruurtiisa
Cabdi Xaddi iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa
Maxamad Arjaaf iyo xaasaskiisa iyo carruutiisa
Siciid Jaamac iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa
Xuseen Xasan iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa
Maxamad Daahir ( Dool) iyo xaasaskiisa iyo carruurihiis
Suleiman Xasan Wacays iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa

hanbalyo221.gif