Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta Dhambaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii Iyo Qaraabadii iyo Xisbiga KULMIYE
Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Gudoomiyihii Ololaha Doorashooyinka Somaliland ee Gobollada Galbeedka ee Xisbiga KULMIYE Marxuum Cali Guuleed “Cali Maarshaal”, inta ku dhaawacantayna waxa uu ilaahay uga rajaynayaa in uu caafiyo.
Madaxweynuhu, waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu Janadii Fardawsa ka waraabiyo Marxuumka, Qoyskii , Qaraabadii iyo Xisbiga KULMIYE-na samir iyo iimaan ka siiyo.
Dhinaca kale, Madaxweynuhu isagoo ku hadlaya Magaciisa Kan Xukuumada iyo Gudoomiyaha Xisbiga Bahweynta UDUB-ba waxa uu ugu baaqay Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga UDUB in Ololihii Xisbiga UDUB Berri oo Jimce ah ka samayn lahaa Gobollada dalka Somaliland oo dhan la joojiyo , si loogala qayab galo Tacsida shilka naxdinta leh eek u yimid Xisbiga Walaalahana nahay ee KULMIYE.
Allaa Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dhambaal Tarcsi Ah Oo Ka Soo Baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback