Dhamaan Gudida Kulmiye Norway iyo dhammaan taageerayaasha Kulmiye Norway, waxay tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan geerida naxdinta leh ee ku timi allah ha u naxariistee walaalkeen Muj. Cali Guuleed. Waxaanu ka tacsiyadaynaynaa dhammaan, caa’iladdii, eheladdii, qaraabadii, asxaabtii, xisbiga kulmiye iyo dhammaanba shacbiga reer Somaliland in ilaahay samir iyo iimaan inaga siiyo isaga janadii Fardowsa ilaahay ka waraabiyo…Amiin.
Dhamaan xubnaha iyo tageerayashaa Kulmiye Norway iyo Guud ahaan jaaliyada Somaliland ee Norway degan waxaanu ilaahay uga baryaynaa dhammaanba Mujaahidiinta shilkan ku dhaawacmay in ilaahay caafimaad deg-deg ah siiyo… Amiin
Gudida
Kulmiye Norway
kulmiyenorway@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Tacsi: Marxuun Cali Guuleed From Kulmiye Norway "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback