suaal.jpgBorama-(Lug)-Dadweynaha Somaliland qaybihiisa kale duwan ayaa sanadahan dambe waxa mashquuliyey arrimaha siyaasadeed ee dalka isla markaana  qaar badan illawsiiyay  dedaalkii  ifka iyo aakhiradaba lagu xusuusan lahaa in qof kastaa maalin uun ka tegi doono adduunyadan safarka  lagu joogo. Waxaan inta badan geerida ku baraarugnaa marka qof aan aad u jecelnahay ama aan qaddarinno wakhtigiisu dhammaado .

Si aan ogaanno in Ilaahay dadka iyo duunyada caalamka ku nool yahay aan u xusuusanno ,ayaa Ilaahay awooddiisa innagu tusaa inaynaan haysan karin ,ama aynaan wedka ka celin karin marka uu innaga qaadayo shakhsiyaadka , cuqaasha, culimaauddiinka, madaxda iyo siyaasiyiinta aan aadka u dhegeysanno, waxana sanadahan dambe xisbiyada qaranka soo maray  naxdimo lagu xusuusinayo inay siyaasadda barbar wadaan xusuustaasi iyo tan ilaahay .Waxan ognahay in saddexdda xisbi qaranba ay labadii sanoo ee u dambaysayba ka baxeen rag qaaali ahaa .xisbiga UCID ayaa waayey Marxuum Sanab oo arrimaha debedda u qaabilsanayd Gebileyna lagu aasay, waxaan ognahay xisbulxaakimka UDUB oo waayey Marxuumm Maxamed Ismaaciil Bulaale iyo xisbiga Kulmiye oo afar casho ka hor waayey Marxuum Cali Guuleed (Cali Marshall ). Dadkaasi oo dhammaantood qaali ku ahaa reer Somaliland , dawladdooda iyo shacbigoodaba  ayaa Ilaahaybaa innagu tusayaa inaan hawlaha adduunka ee siyaasadda aan la iksu illoobin, sidaa darteeedna  aan la isku iloobin xumaanta siyaasadeed, masabidka, nacaybka iyo cadaawadda.

Haddaba markaan usoo noqonno  siyaasigii iyo aqoonyahankii ugu dambeeyey ee ka baxa Somaliland  xisbiyadeeda iyo siyaasaddeeda  ayaa ahaa Cali Guuleed kaasoo in badan dadweynaha reer Somaliland xusuusnaan doonaan taariikhdiisii, hadalkiisii, shaqadiisii iyo waxtarkiisii. Waxa uu geeriyooday wakhti aad ugu adag reer Somaliland iyo xisbiga Kulmiye isagoo marayey badhtamaha jid   dalkani ku hoggaamin lahaa wanaag iyo horumar, isagoo ku jira dagaal siyaasadeed oo uu kaga soo horjeeday  xukuumadda maanta, isagoo  dhinaca kalena  guulo badan usoo hooyey xisbiga uu ka tirsanaa ee Kulmiye, codka mucaaradkana ku toosiyey kumaankum qof oo codkooda siiyey  xukuumadda maanta dalka xukunta, isagoo ku talo jiray in kumaankum kalena kusoo  hanuuniyo  siyaasadda xisbigaasi .

Cali Guuleed oo aan maalin keliya arkay ayaa Boorama u yimid aaskii Marxuum Cabdi Xasan Buuni  Inkastaanan aqoon fiican aanan u lahaynna waxa tusaale cid walba ugaga filan kumaankumka qof ee reer Somaliland ee dhegeysan  jiray khudbaddihiisa, akhriyina  jiray qoraaladiisa, kuwaasoo ku salaysnaa cilmi bani aadam barto kan ugu adag oo dhaqaalaha ah iyo qorsheynta umad horumarkeeda .

Waxyaalaha lagu  xusuusto Cali Maarshaal ayaa waxa ugu weyn sida uu siyaasadda Somaliland u kuleyliyey isla markaana shacbiga iyo xisbiyada mucaaradka iskugu xidhay kuwaasoo uu ka dhaadhicin jiray in xoriyaddu tahay shayga keliya ee Ilaahay qof kasta oo dunidan ku nool haybada u siiyey , waajibna ku tahay in qof kasta ay waaib ku tahay in xoriiyaddiisa, noloshiisa iyo mustaqbalkiisana u dagaalamo .Waxaya reer Somaliland xusuusan yihiin sidii Marxuumkaasi  umadda ugu sheegi jiray  xaqa kaga maqan dawladda iyo dawladdu waxay xaq u leedahay .wuxu ka hadli jiray musuqa iyo ku takrifalka cashuuraha isagoo dhinaca kalena  hadaladiisu ahaayeen kuwa uu toos ugu abbaari jiray cid kastoo uu arkayey inay shacbigan ku hayso dulmi iyo caddaalad darro.Cali Guuleed ayaa sidoo kale  u muuqday ragga aadka u yar ee isku xidha  reer Somaliland  gudaha iyo debeddaba, laga bilaabo gurigiisa la ii sheegay in ku yaallo magaalada San Jose ee dalka Maraykanka ilaa gurigiisa ku yaalla Hargeysa  aanay dadka reer Somaliland  u kala soocnayn had iyo jeerna laagu soo ururo meesha uu joogo.

Haddaba su’aasha la isweydiin karo ayaa ah xisbiga Kulmiye ma ku jiraan rag caynkaas oo kale  ay u balladhan tahay  aqoontooda siyaasadeed, midda bulsho iyo midda dhaqaaleba ? jawaabtu waa haa oo way ku jiraan Rag la mid ah Cali Guuleed balse weli bannaanka laguma arag ama iyaguba bulshada reer Somaliland iyo xisbiga ay ka tirsan yihiinba uma muujin sifooyinkaasi inay leeyihiin, wakhtiganse  aanu kulmiye ciyaar ku illoobayn doorkii Cali Marshall ku lahaa  xisbigaasi iyo shacbiga.

Qiimaha caynkaas ah ayaad ka garan kartaa tacsidii  madaxweyne Rayaale xisbigaasi uga tacsiyeeyey geerida Cali Guuleed iyadoo ayba iska yarayd ama aanay innasoo marinba tacsi madaxweyne Rayaale u diro  xisbiga Kulmiye madaxdiisa.

Haddaba iyadoo maanta uu dagaalka siyaasadeed ee Somaliland marayo meel xasaasi ah isla markaana loo baahan yahay caqli iyo aqoon in xisbiga kulmiye iyo Somalilandba kaga qayb galaan xallinta mashaakilka siyaasadeed ee Somaliland ka jira ayaan ilaa imika la ogeyn cidda uu Kulmiye ku buuxin doono kaalinta uu ku banneeyey Cali Guuleed sidaa darteedna loo baahan yahay in dib loo eego taaiikhda siyaasiyiinta xisbigaasi  ku jira, lagana soo xulo ninka ay is leeyihiin wuu buuxin karaa kaalintaasi. Waxase xisbigaasi mucaaradka ah guul u keeni kara cid wax u wadda sidii uu wax u wadi jiray Cali Guuleed  taasoo ku salaysnayd qarannimo balse aan ku salaysnayn qabyaalad iyo gobolaysi kala gogeyn kara xisbiga iyo reer Somaliland.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama