tacsi2.jpgAllaha u naxariistee  Marxuum  Cabdillaahi Celmi Hudoon oo ku magac dheeraa ‘’Burdaali’’, oo dhowaan ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay meel 50km u jirta magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia.

Marxuumka oo ahaa nin reer Djibouti ah isla markaana si wayn looga yaqaanay dalka jabuuti, ayaa ahaa mid u furfuran  u gargaarka iyo taakulaynata dadka baahan, waxaa uu ahaa nin ka soo shaqeeyay ama soo qabtay maamulo fara badan oo xafiisyada dawlada ah, Cabdillaahi hadda waxa uu ka galay xaga dawlada hawlgabeen, markii ugu danbaysay waxa uu katirsanaa hay ada khayriga ah ee Manhal laanteeda Djibouti.

Jamaal Idiris Xaaji Cabdi Xaaji Khayreh Iyo Xaaskiisa
Mustafe Cabdillaahi Maax Iyo Xaaskiisa
Dr Moxamoud Shiineh Iyo Dhamaan Shaqaalaha Manhal S/L
Ibraahim Ducaaleh Dirir
Dr Cabdi Daaher Sahal Iyo Xaskiisa
Xasan Cali Jibriil
Muxumed Aw Daher Bade

Waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geriyooday cabdillaahi, in uu illaahay samir iyo iimaan ka siiyo isagana in uu janadii fardoowsa ilaahay ka waraaabiyo