tacsi.jpgDhamaan Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkadaha Africa On-line Borama iyo Aloog Electricity Company waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii iyo qaraabaadii uu ka baxay Marxuum Saleebaan Axmed Camir oo maanta 18/08/2009 ku geeriyooday magaalada Borama, 

Dhamaan dadkani waxay si gaar ah Tacsidani ugu dirayaan Hasan Saleebaan Axmed (Hasan-Internet) oo ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Africa On-line Borama, waxaanay ilaahay uga baryayaan Marxuumka inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, Eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Annana Hadaanu nahay Bahda Lughayanews waxaanu Tacsi taasi la mid ah gaadhsiinaynaa Qoyskii iyo qaraabaadii uu ka baxay Marxuum Saleebaan Axmed Camir oo maanta 18/08/2009 ku geeriyooday magaalada Borama,
 
Waxaanan ilaahay uga baryaynaa Marxuumka inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, Eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aaamiin Aaamiin Aaamiin