ahmedsiilanyo4.jpgHargeysa-(Lug)-Guddoomiyaah xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa si cad u sheegay inaan arrimaha laga wada hadlayey aan weli meel laysla dhigin, isla markaana uu socda wada hadalkii iyo shirarkii lagu xalinayey.

Guddoomiye Axmed Siillaanyo ayaa sheegay inaanu aqbalayn inuu madaxweyne Rayaale sii fadhiyo kursiga waxaanu tilmaamay inuu isagu sababay muddo kordhinta faraha badan ee isdaba jooga ah ee uu ku sii fadhiyo madaxweyne Rayaale, waxaanu cadeeyey in laga tashado cidii loo dhiibi lahaa dawlad ku meel gaadh ah  marka wakhtigu ka dhamaado.

Guddoomiye Axmed Siillaanyo waxa uu sheegay inay bulsho weynta Somaliland ay war war ka qabaan arrimaha taagan, laakiinse ay tusi doonaan cidkasta oo isku dayda inay arrimahan wax ka qabato.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi idaacada BBC-da  la yeelatay shalay, waxaanu faahfaahin ka bixiyey wixii laga wadahadlay iyo halka ay marayaan  wada hadaladu.

Guddoomiyaha Kulmiye oo ka hadlaya siday hawshu u socotana waxa uu ku bilaabay hadalkiisa sidan: “Dhexdhexaadintii wasiiru dawlaha itoobiya  iyo duwalka caalamka ka socdaaba wuu socdaa, shirar dhawr ah oo kala duwan ayaanu la qaadanay hadaanu nahay xisbiyada mucaaradka hawshaasina ilaa imika way socotaa, waxaanu meel la dhignay ilaa hadda ma jirto,doodii way socotaa iyaga itaalkoodu isu soo jeed ayey wadaan,waxay aad ugu dadaalayaan in is afgarad la gaadho,laakiin ilaa imika meel aan wax isla dhignay ma jirto.

S:wararka la sheegayo ee la leeyahay in serverkii la sii waddo isla markaana  ay doorashadu dib u dhacdo oo la idiin soo jeediyey maxaa ka jira?

J:talada la noo soo jeediyey way ku jirtaa in serverkii sii shaqeeyo oo hawshiisii muddo lagu daro, dad khuburo ah oo dibada ka yimaadaana ay ka shaqeeyaan, dabcan inay dad khuburo ahi yimaadaan oo ay ka shaqeeyaan ceeb maaha, laakiin anigu inuu wakhtigu sii dheeraado ayaanu diidanahay.

Arrimiha aasaasiga ah ee laysku haystay waxa weeyi wakhtigii ha dheeraado ama ha ka dheeraado intay qaadanayso laakin arrimo kale ayaa jira oo ay ka mid yihiin kol hadaan doorashadu dhacayn wakhtigii loogu tallogalay, wakhtigii madaxweynuhu dhamaaday waxa laga yeelayaa waxa weeyaan arrimaha taagan.

Mawqifka xisbiyada mucaaridkuna wuu cad yahay sidii heshiisyadii hore ee barigii la na kala dhexgalay ee lagu heshiiyey ee shacabkii iyo international community ogaa ee loo wada joogay ee ahaa in aan mar dambe loo kordhin taasina waa mid imika taagan oo ah in laga wadda tashado, cidii xilkaa qaban lahayd(xilka madaxweyneha iyo ku xigeenka).

S:warar xogogaal ah ayaa noo sheegay in qodobka ugu muhiimsani yahay uu yahay ee aad idinku ku doodaysaa in dawlad ku meel gaadh ah la dhiso halka kuwa kalana ku doodayaan inay xukuumadan jirtaa sii hayso, arrintaa maxaa ka jira?

J:Irrimahaasi dooday ku jiraan waana arrimaha aan wali laysla ansixin ee aan meel laysla dhigin, kuwaas oo ay ku doodayaan in haddii ay mudadu muddo gaaban tahay ka warama haddii uu madaxweynuhu sii joogo oo uu hawshii wado, anaguna waanu diidanahoo waxaanu leenahay heshiis baa hore uga dhacay, axdi baa hore uga dhacay toddobo sanno ayuu meesha joogay, waxaan oo dhana waxaanu dusha ka saaraynaa oo u sabab ahaa dib u dhacyada isaga, mida labaaadna kii horana wuu ka baxay mid kalana ku aamini mayno, mida saddaxaad wuxuu doonayaa inuu isku darsado hantidii Qaranka, awoodii dawlada iyo mid walba inuu isku darsado ayuu doonayaa, sidaa darteed sabab aanu maanta seefta gacantiisa ugu dhiibnaa ma jirto.

S:hadaba si ay doorasho u dhacdo hawluhuna u sii socdaa, sidee ayaa ayey u suurogalaysaa, miyuu soo noqonayaa wasiirudawluhu?

S:wasiirudawluhu wuu soonoqonaya oo hawshiisu may dhamaan, oo shirbuu tagayey ay dawladiisu u dirtay si degdegana wuu u soo noqonayaa, isagoo kaliyana maahee bulshada caalamkuna way ku jirtaa waxaanan rajaynayaa in si weyn laysku afgarto.

S:waxa jira iyaguna dad badan oo ku  dhexdhexaadin si ay arrintan u badbaadiyaan bal sideed u aragtaan dadkaasi?

J:ummaddu meel kasta oo ay joogtaba warwarku wuu jirtaa,markaa cidkastaaba waxay istidhi dhankiina ka guntada oo waxaad qaban kartaan qabta,qolo waliba waanu la kulmaynaa siday wax u jiraana waanu u gudbinaynaa,

S:Axmed waxaad waligiiba ku faani jirteen ilaa wakhtigii Halganka in aad wixiina xalisaan, oo waligeed waxaad odhan jirteen Somaliland iyadaa tashada iyadaa arrimaheeda xalisa, imikana Ethiopia iyo hay’adihii deeq bixiyeyaasha ayaa idin dhexdhexaadinaysa markaa siduu yahay dareenkaagu?

J:walaahi waad ogaydeeno waxaas wax ka yar iyadoo ay jiraan inaan kaga tagay 80 cod waad ogaydeen oo siday ku timid la ogaa, iyadoo ajanabina ina soo dhexgalin, markaa dhaqankii caynkaas ahaa waxa baabi’iyey nin yidhi wax walba ana, ana, anaa diiday anaa yeelay oo aan cidkalaba wax u ogolaan taas ayaa keentay inay dunidii kalana u adkaysan kari waydo oo ay ina soo kala dhexgalaan.

S; madaxweynuhu wuu idin casuumay  oo wuxu yidhi aanu isku nimaadno?

J:madaxweynaha anagu casuumad ugama baahnin ee waxaanu uga baahanahay inuu xaqa iyo cadaalada ku dhaqmo, madaxweynuhu markii loo baahnaa nooma yeelin, intaanu go’aanka qaadan ee aanu odhan waxayga uun baa soconaya markaasay ahayd inuu noo yeedho oo uu yidhaa maxaanu ka yeelnaa.

Xigasho Haatuf