boorama-ciyaaraha-4.JPG

Boorama-(Lug)-Ciyaartii u xiisa badnayd tan iyo intii la bilaabay tartanka bisha Ramadaan ee Dr. Abraar ee garoonka Jimcaale ayaa galabta dhexmartay kooxaha Waraaba-Salaan iyo Boorama, ciyaartan oo ahayd mid aad u holcaysa ayaa waxa xaraaradeeda sii kululeeyay ciyaaryahano markii horaba suuqa kubada cagta ee Boorama isku soo gaaray isla markaana ku caan baxay in ay xirfada kubada cagta ee waayahan dambe ku tartamaan. Waxa intaasi dheeraa oo iyaguna qaybtooda kor uga sii qaaday xaraaradii kulaylka ee cayaartii maanta dadwayne aad u tiro badan oo Saa’imiin ahaa hadana aanan marnaba ka waaban in ay sawaxan, sacab iyo qaylo isla jiibiyaan marwalba.
Ciyaarta oo ahayd mir ku bilaaban tahay weerar iyo weerar celin aan kala dhicin ayaa waxa labada kooxoodba u suurta gashay in ay birta yare ee shabaga madoobi kadambeeyo ee garoonka la dhacaan laadad abuuray in taageerayaashu marwalba qaylo la sara kacaan iyaga oo sacabinaya.
boorama-ciyaaraha-13.JPG
Qaybii hore ee ciyaarta oo ku dhamaatay sidii ay ku bilaabatay ayaa waxa u suurto gashay in ay koooxda Boorama shabaqa galiso gool naf xaraare ah kadib markii kubad dhawr goor lagu garaacay difaaca iyo biraha goolka Waraabasalaan uu meel cidhiidhi ah ka gujiyay ciyaaryahan Qaadiro.

boorama-ciyaaraha-11.JPG

Markii la isku soo nastay qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa iyaduna ahayd qayb ay leeyihiin taageerayaashu waxana garoonka maamulayay sawaxanka iyo taageerada taageerayaasha. Inkasta oo ay kooxda Warabasalaan heshay fursado dahabi ah oo inta la daba mariyay goolhayaha kooxda Boorama hadana ay birtu soo celisay uma suurtoobin in ay dhaliyaan goolka barbarbaraha ee looga baahnaa, waxana ay ciyaartii maantu ku dhamaatay 1:0 ay guushu ku raacday kooxda ku ciyaaraysay magaca Boorama.

boorama-ciyaaraha-19.JPG

Ciyaartan oo loo aqoonsaday tii ugu xiisaba badnayd uguna adkayd mudadii uu socday koobku ayaa waxa ay dhalisay in daawadaasha garoonku ay shiki ka muujiyaan cida loo saadaalinayo koobka oo intiisii badnayd isla markaana xiisaha badnayd ay hadhsan tahay. Ciyaartii maantana waxa siwayn uga dhex muuqday oo garsoorka hayay Jaamac Ciro.

boorama-ciyaaraha-17.JPG

boorama-ciyaaraha-3.JPG

boorama-ciyaaraha-6.JPG

boorama-ciyaaraha-7.JPG

boorama-ciyaaraha.JPG

boorama-ciyaaraha-9.JPG

boorama-ciyaaraha-8.JPG

boorama-ciyaaraha-10.JPG

boorama-ciyaaraha-2.JPG

boorama-ciyaaraha-16.JPG

boorama-ciyaaraha-15.JPG

boorama-ciyaaraha-5.JPG

 

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama