lawyacado.JPG

Lowyacado-(Lug)-Wararka ka imanaya magaalada Lawyacado ayaa waxa ay sheegayaan in ay isa soo  tarayaan dadka tahriibayaasha ah ee soo gaadhaa magaalada  xadka ah ee Lawyacado. Dadkan kuwoodii ugu dambeeyay ee soo gaadha halkaas ayaa waxa ay ilo xog ogaal ahi tilmaamayaan in laga soo celiyay gudaha dalka Djibouti kadib markii ay ciidamada ilaalada Xadka ee dhinaca Djibouti ka soo qabteen dhulka gudaha dalkaas ah gaar ahaan masaafo lagu qiyaasay 17km.

Mid ka mid ah tariibayaashan laga soo celiyay gudaha Djibouti oo Lughayanews uga waramay xaalkooda ayaa sheegay in ay xaaladu aad u adag tahay isla markaana ka kooban yihiin dhawr iyo konton qof oo isugu jira rag iyo dumar ay da’doodu u dhaxayso 22jir ilaa 35 jir. Mudanahan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi  sheegay in xaalada dakani ay aad u liidato isla markaan ay lacag badan ka lunsadeen raga loo yaqaan Aboolayaasha oo u balan qaday in ay si dhuumasho ah ku galin doonaan gudaha dalka Djibouti balse ay ka baxsadeen markii ay masaafo dheer Lugaysiiyeen. Waxa ay kale oo ay wararku sheegayaan in ciidamada Djibouti ee kooxdan Tahriibayaasha ah gacanta ku dhigtay ay ul la dhaceen isla markaan dib u soo lugaysiiyeen masaafo dheer oo bacad iyo kulayl ah.ugu dambayntiina ku soo daadiyeen magaalada xadka ah ee Lawyacado.

Iyada oo uu xaalka kooxihii u dambeeyay ee tahriibayaasha ah ee rabay in ay dalka Djibouti ku galaan sharcidarada uu sidaas yahay ayaa hadana waxa soo badanaya dadka tahriibayaasha ajaanibka ah ee iyagu soo gaadhaya xadka kuwaas oo qaarkood ay noloshoodu aad u adagtahay isla markaana aanan helin gergaar beni’aadanimo marka laga reebo wax yar oo uga yimaada dadka degaanka.

Tahriibayaashan ayaa qaarkooda badani waxa ay yihiin kuwo wata lacag badan oo ay dadka degaanka ee shaqo la’aantu daashatay u noqda shaqo gaar ah, waxana dadkan soo jiidata lacagta ay wataan dakan tahriibayaasha ahi. Waxana uu mararka qaar suuqa Aboolayaasha iyo ganacsiyada yaryar ee cabitaanka u badan ee ka jira Lawyacado ay noqdeen kuwo siwayn u shaqeeya.

Lughayanews-Lawyacado/Office