Wasiirul-dawlaha Khaarajiga Itoobiya hawsha wuu gudogalay, iyadoon waxba dhamaana wuu noqday” Guddoomiyaha Golaha Guurtida..
Hargeysa-(Lug)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa guddi u saaray xal-u-helida khilaafaadka siyaasadeed iyo Sharci ee haatan dalka ka taagan. Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida oo uu gudoominayay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa lagag dhawaaqay guddigaas oo 22 xubnood ka kooban.
Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay fadhigaas, waxa uu ka waramay sida loogu baahanyahay xal lagu furdaamiyo loo helo khilaafaadka oogan, isla markaana waxa uu ka hadlay sida uu u arko dedaalkii dhexdhexaadinta ee uu isku hawlay Wasiiru-dawlaha Khaarajiga Itoobiya.
“Waa kii yimid Weftigii Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, una yimid khilaadkaas siyaasadeed iyo Sharciyeed dalka oo uu doonayay inuu isku soo dhaweeyo, madax badana wuu arkay, intii ay khusaynaysayna madaxda wuu ka arkay, dadyow badan oo kalena wuu la kulmay. Weftigu ninkaasi oo qudha ayuun buu ahaa iyo nin Xog-hayn u ah - hawshii gudogal, iyadoo aanay waxba dhamaana wuu noqday, sababahana idinkuba (Mudaneyaasha) waad maqlayseen oo waxba idiin furfuri maayo.
Markaa, iyadoo aanay hawshii dhamaan ayuu dhoofay, wuu soo noqonayaa (Wasiirka Itoobiya) sida uu yidhi.” Sidaa ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan. “Arrinta muhiimka ahi waxa weeye; raqba waa ku rageede’e way inoo taalaa, awoodana inaga ayaa leh, xalkeedana haddii aynu inagu isla waywayno la heli maayo.
Waa in xal la helaa, waana lagama maarmaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.
Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay in Shirguddoonka Golaha Guurtidu isla qaatay in gole ahaan ay guddi u saaraan xal-u-helida khilaafaadka dalka ka taagan. Waxa uu sheegay in Shirguddoon ahaan ay go’aamiyeen in guddigii dhowaan Goluhu u saaray turxaan-saarka Golaha Guurtida mar kale loo saaro xal-u-helida khilaafaadka dalka, kuwaasoo lagu xoojiyay dhowr Mudane oo kale.
“Horta, waxa imika inoo yaala ee aynu u fasax geli waynay waa khilaafaadkaasi dalka ka taagan. Waxaan isla qaadanay Shirgudoonka haddii aanu nahay arrintaas inaynu gudogalo oo aynu guddi balaadhan u saarno xal-u-helida xaalada dalka, si guddidaasi ay Golaha uga soo talo-bixiso sida ugu haboon ee xal loogu helayo khilaafaadka jira,” ayuu yidhi.
Guddoomiyuhu waxa uu fadhigaa shalay ka xaadiriyay xubnaha ay gole ahaan u saareen ka hawlgelida khilaafaadka dalka ka aloosan, kuwaasoo kala ah;-
1- X. Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe)
2- Md. Maxamed Jaamac Abokor
3- Md. Muxumed Aw-Axmed
4- Md. C/Salaan Maxamed Siciid
5- Md. C/Qaadir Maxamed Xasan
6- Md. Aadan Shire Faarax
7- Md. Axmed Muuse Obsiiye
8- Md. Cabdilaahi Ibraahim Xirsi
9- Md. Sahal Iidle Dirir
10-Md. C/Qaadir Aw-Xuseen Mire
11- Md. Jaamac Faarax Axmed
12- Md. N uur Rayaale Khayre
13- Md. Sh. Maxamuud Xirsi
14- Md. C/raxmaan Axmed Aareeye
15- Md. Xirsi Ciise Jaamac
16- Md. Yuusuf Cabdilaahi
17- Sh. C/raxmaan Sh. Yuusuf
18- Md. Axmed Daahir Jirde
19- Md. C/Rashiid Sh. C/laahi Aadan
20- Prof. Axmed Dirir Cali
21- Md. Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg)
22- Md. Saleebaan Garas Seed.
Ogaal


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Magacyada Guddi Golaha Guurti U Xilsaaray Xallinta Khilaafaadka S/land "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback