dooxa-arabsiyo-6.JPG

Arabsiyo-(Lug)-Baabuurta iyo iyo gaadiidka kale ee ka goosha dooxa Arabsiyo ayaa dhib wayn ku qaba ciida baaxada leh ee ku rogmata wadada laamiga ah ee ay baabuurtu maraan ee marta badhtamaha Dooxaasi. Ma aha markii ugu horaysay ee ay gaadiid laydu cabashooyin kamuujiyaan maritaanka wadadaas oo noqotay mid hal haad ah kadib markii ay shinacyada ka soo yaraysay ciidu.
dooxa-arabsiyo-1.JPG

dooxa-arabsiyo-3.JPG

Ma jirto wax talaabooyin ah oo ay ka qaaday dawlada hoose ee Arabsiyo sidii wax looga qaban lahaa ama loo dhimi lahaa khatarta ka haysata gaadiidka dooxan, waxase jirta in dadka ku dhaqan degaanka beeralayda ah ee Arabsiyo ay u carbismeen sidii ay u saacidi lahaayeen dadka ay gawaadhidu kaga dhagto dooxa, waxa aan iyana meesha ka maqnayn in mihnadan caawimada ha ee ay leeyihiin dadka reer Arabsiyo ay isku badashay mid ganacsi ah oo ay camal ka dhigtaan dadka dhalinyarta u badan ee shaqala’aantu ragaadisay.

dooxa-arabsiyo-4.JPG

Dhinaca kale xukuumada iyo dawlada hoose ee degaanka Arabsiyo ayaa si walba uga gaabiyay bal in ay orshe u dajiyaan sidii gaadiidka looga badbaadin lahaa khatarta dooxa arabsiyo waqtiga roobka iyo waliba niista tirade badan ee wadada dhooban waqti walba.
dooxa-arabsiyo-2.JPG

dooxa-arabsiyo-8.JPG

Lughayanews-Arabsiyo-Office