boorama-ciyaaraha-3.JPG

Boorama-(Lug)-Kooxda Liinka ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee u gudubtay wareega 8da ee tartanka Dr. Abraar ee bisha ramdaan ee ka socda garoonka Jimcaale ee magaalada Boorama. Kooxdan Liinka ayaa waxa ay guushan soo hooyeen kadib markii ay galabta 3:2 kaga badiyeen Kooxda Al-Shabaab oo ay ku wada jiraan Group-ka B.boorama-ciyaaraha-2.JPG

Ciyaartii galabta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa qaybtii hore ee ciyaarta ay kooxda Liinku shabaga taabsiisay 2 gool oo darandoori ah, wixii intan ka dambeeyay ayaa waxa iyaduna dhinaceeda weeraro tiro badan ka soo qaaday kooxda al-Shabaab. Qaybtii Labaad ee ciyaarta markii la isugu soo laabtay ayaa waxa u suurto gashay kooxda Al-Shabaab in ay shabaga galiso gool madax lagu dhaliyay oo aad u qurux badan, wax yar kabacdi ayaa waxa uu garsoore Girma kaararka Huruuda iyo casaanka ah oo wada socda u taagay mid ka mid ah difaaca kooxda Liinka, maqnaashaha difaacan ayaa waxa ka faa’iidaystay kooxda Al-shabaab oo keensatay goolkeedii barbaraha, 2:2. Laguma waarin oo wax yar kadib ayay hadana kooxda Liinka oo 5 ciyaartooy ah ay shabaga galisay goolkii sedexaad taasi oo ciyaarta ka dhigtay mid ku soo gabagabowday 3:2.

boorama-ciyaaraha-1.JPG

boorama-ciyaaraha-6.JPG

boorama-ciyaaraha-5.JPG

boorama-ciyaaraha-7.JPG

boorama-ciyaaraha-8.JPG

boorama-ciyaaraha-9.JPG

boorama-ciyaaraha-10.JPG

boorama-ciyaaraha-11.JPG

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf

Lughayanews-Boorama