Hargeysa-(Lug)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa la sheegay inay Talaabo anshax marin ah ka qaadi doonaan lix Mudane oo ka tirsan Aqalkaasi kuwaasi oo lagu eedeeyay inay si toos ah ugu lug yeesheen buuq iyo rabshado
hadheeyay fadhigii Golaha ee 24-kii bishan.kuwaasi oo isku dayay burburiyay qaar ka mid ah agabkii iyo dukumanti Golaha yaalay.
Tallaabadan anshax marinta ah ayaa la filayaa in lagu qaadayaa lix Mudane oo ka tirsan Xildhibaanada xisbiga UDUB kaga jira Golaha Wakiilada.
Xoghayaha Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa xaqiijiyay in lix Mudane muddo sadex cisho ah laga joojiyay Golaha.
“Way jirtaa Arrintaasi waxa Guddoomiyuhu isagoo raacaya qodobka 32-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Wakiilada wuxuu lix Mudane oo ka mid ahaa kuwii buuqa iyo rabshada ka sameeyay Golaha ee hormuudka u ahaa,anshax marintoodu waxay noqonaysaa in muddo sadex cisho ah oo Sabtida ka bilaabmaysa laga saaro fadhiyada Golaha,”Ayuu Yidhi Xildhibaan Nac-nac oo caawa u waramayay Idaacada Madaxa Banaan ee Horyaal.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye, waxa kale oo uu tilmaamay inaanay wax natiijo ahi ka soo bixin Guddidii Goluhu u saaray buuqii iyo rabshadihii ka dhacay golaha. Oo ay u dhowdahay inay burburaan.
“Waynu wada ogayn Xildhibaanadan waxa laga soo diray Madaxtooyada waxaana lagu yidhi buuq Golaha ka sameeya si aanu wax go’aan ahi uga soo bixin, waana la wada ogaa oo waxay doonayeen inay la dagaalamaan shirgudoonka ee waa lala hadli waayay,”Ayuu yidhi Md. Nac-Nac.
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " G/Wakiilada S/land Oo Anshax Marinaya Lix Mudane Oo Xudun U Ahaa Rabashadihii Hadheeyay Fadhigii Aqalkaasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback