Boorama-(Lug)- Alle Ha U Naxariistee hal nin oo reer Dilaad ah ayaa maanta ku geeriyooday aaga ay colaadu ka taagan tahay ee Ceel-bardaale, dhimashada mujaahidkan ayaa waxa sababay kadib markii sida ay wararka ka imanayaa aagaas sheegayaan ay fooda is dareen laba kooxood oo sahan ah oo ka kala socday garbyada ku dirirsan ceel Bardaale, waxa kale oo ay wararku sheegayaan in kooxahan sahanka ah ay is waydaarsadeen rasaas, ilaa hada khasaaraha dagaalkan maanta ka dhacay ceel Bardaale ayaa ku ego o kaliya dhimashada Halkaas nine e reer Dilaad ah ee maanta Shahiiday.

Xaalada ayaa ilaa galinkii dambe ee maanta caadigeedii ku soo laabatay mana jiraan wax warar sugan ah oo ka soo kordhay xaaladaasi ilaa hada

Lughayanews/Borama-Office