Boorama-(Lug)- Kooxda Chelsea ayaa galabta si awood sheegasho ah uga badisay kooxda Irshaad oo ay ku wada jiraan Group-ka C. ciyaartan galabta oo ahayd markii ugu horaysay ee ay kooxda Chelsea garoonka u soo dhaadhacdo ayaa waxa ay wacdaro ku reebeen indhaha daawadayaashii tirade badnaa ee joogay ciyaartii manta.
Qaybtii hore kooxda Al-irshaad inkasta oo ay ku bilowday weerar xoogan oo xidhiidh ah ayaa badhtamihii qaybtii hore ee ciyaarta weerar-yahan Af-cas uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee kooxda Chelsea,goolkan oo quwad oo noqday mid sii kordhiyay weeraradii xoogana ee ay awalba soo qaadaysay kooxda Al-irshaad, waxana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1:0.
Markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta, waxa u suuro gashay kooxda Irshaad in ay keensato shabagana galiso goolkii barbardhaca, wax yarkadib ayaa garsoore Maxamed Nirig waxa uu kaadhka Cas ee Anshaxmarinta u taagay Ciyaaryahan Cabdikariin X. Daahir kadib markii uu si badheedh ah ugu xanaaqay ciyaaryahan isla markaana gaystay gacan ka hadal. Wax ka yar 1 daqiiqo intii aanu sii maqnayn difaacyahan Cabdikariin X. Daahir waxa ay Chelsea dhalisay goolkeedii 2aad iyada oo uu shabaga galiyay weerar yahan Cawke, intaas ka dib goolashu waxa ay noqdeen Tusbax furtay oo waxa sedexeeyay weerar-yahan Af-cas, goolka Afaraadna waxa markale shabaga u sii galbiyay weeraryahan Cawke, ilbidhiqsiyo kadibna Cawke ayaa shabaga galiyay goolkii 5aad. Daqiiqad ka hor damaadkii ciyaarta ayaa hadana waxa goolkii 6aad Afturka lagu kala tagay shabaga ku macasalaameeyay ciyaaryahan Cabdiraxmaan Suldaan.
Ciyaartii maantu waxa ay rajo fiican u yeeshay kooxda Al-madiina oo ay hore uga soo badisay kooxda Irshaad isla markaana ay ku wada jiraan hal group oo sedex kooxood ah lagana rabo in ay ka soo baxaan laba kooxood.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dr. Abraar Cup: Kooxda Chelsea oo Ku Barbaratay Kooxda Irshaad Galabta Kagana Badisay Lix Gool "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback