Waxaan Shacbiga Reer Somaliland u Sheegaynaa In Golihii ay soo Doorteen Ciidan Qabsaday”
“Waxa yaab iyo amakaag nagu Noqotay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland nagu Wargeliyey in Ciidanka Boolisku Amar naga Sareeya ku Haystaan inaan Golaha laga Celin lixdaasi Mudane” Guddoomiyaha Wakiilada.

Hargeysa-(Lug)-Lixdii Mudane ee shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ay sheegeen inay ku anshax mariyeen in laga saaro sadex fadhi ka dib markii lagu eedeeyay   inay rabshad iyo buuq ka sameeyeen fadhi Golahaasi yeeshay 24-kii bishan, ayaa maanta diiday inay ka baxaan Golaha.

Fadhigii maanta uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) isla markaana madasha ay ka soo qeyb galeen 53 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee aqalkaasi ka kooban yahay, ayaa markii uu furmay wuxuu Golaha ka xaadiriyay lix Mudane oo uu sheegay in lagu anshax mariyay in laga saaro sadex fadhi, kuwaasi oo kala ahaa:-

Md. C/raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog).
Md. Aadan Xaaji Diiriye Sanqoolle.
Md. Xuseen Ismaaciil.
Md. Cali X. Maxamed.
Md. Maxamed Baaruud Shide.
Md. Axmed Xasan Aadan (Wayso-cadde)

Xildhibaanadan oo shan ka mid ahi ay ka soo jeedaan xisbiga UDUB, halka Xildhibaan Maxamed Baaruud Shide, uu ka soo jeedo xisbiga mucaaridka ah ee UCID, balse uu mowqif ahaan uu taageero xisbiga UDUB. Hase yeeshee Xildhibaanadaasi ayaa si cad ugu gacansaydhay go’aanka Guddoomiyaha.

Markii ay diideen inay ka baxaan fadhigii Golaha ayuu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in fadhigu uu xidhan yahay.

Intaasi ka dib waxa Guddoomiyuhu soo saaray war-murtiyeed uu ku sheegay inuu shacbiga Somaliland ku war-gelinayo in Golahii la soo doortay ay qabsadeen ciidan.

War-saxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-“Saaka oo Sabti ah (29/8/2009) Waxa Golaha Wakiilada JSL lahaa fadhi caadi ah. Waxa jirtay in Goluhu anshax mariyey lix (6) mudane oo hanaan u socodka shaqada Golaha khakhal geliyey 24/8/2009. Anniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxaan amray ciidanka booliska inay lixdaas mudane u ogolaan soo gelidda fadhiga Golaha saddex (3) maalmood.

Waxa yaab iyo amakaag nagu noqotay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland nagu wargeliyey in ciidanka boolisku amar naga sareeya ku haystaan inaan Golaha laga celin lixdaasi mudane lana fulin amarka Guddoomiyaha ee ka joojinta Golaha. Waxa taliyuhu noo soo jeediyey inaan la hadlo Wasaraadda Arrimaha Gudaha iyo Madaxda Sare.

Waxa kale oo saraakiisha booliska iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland naga codsaday in Body Guards gaarka u ah shirgudoonka ka  baxaan dhismaha Golaha oo kadinka laga soo galo ku sugaan shirgudoonku marka uu shaqada ka baxayo.

Taas oo ah arrin cusub oon hore u dhicin. Hase yeeshe, markii aan ka wada hadalay Taliyaha arrintan waxaan isku waafaqsanay in Body Guards joogaan gudaha dhismaha Golaha.

Waxay u muuqataa ciidanka Booliska ee la keenay Golaha la soo siiyey lixda mudane ee la anshax mariyey si ay bil khasab lagu soo galaan Golaha. Ciidankan Golaha la keenay maaha mid amar ka qaadanaya Guddoomiyaha iyo Shirgudoonka golaha oo ka mas’uul ah amaanka Golaha. Taasina waa arrin burbur karta Qaranimada iyo jiritaanka Somaliland khalkhalna gelin karta amaanka Somaliland.

Waxaan shacbiga Reer Somaliland u sheegaynaa in golihii ay soo doorteen ciidan qabsaday. Waxay iska hortaageen saxaafadii iyo dadweynihii martida ahaa. Markii aan u soo jeedinay ciidanka in xildhibaanada laga baadho hub si loo sugo amaanka golaha way diideen taas oo shaki karta in sababta ay yimaadeen Ciidanku Golaha ay tahay sugida amaanka.”

Dhinaca kale. Ciidan aad u tiro badan ayaa xidhay wadada hormarta Golaha Wakiilada, sidoo kalena waxay dhoobnaayeen dhismaha Golaha dhexdiisa iyagoo u diiday inay soo galaan qaar ka mid ah saxaafada dalka.

Sidoo kale gudoomiyaha golaha wakiiladda Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi(C/raxman Cirro) wuxuu dibadda ugu soo baxay dad tiro badan oo dhismaha golayaasha hortooda dhoobnaa, kuwaaso oo uu uga waramay wixii fadhiga ka dhacay, kuna wargaliyay in golihii la soo doortay ee wakiilada cidan qabsaday.

 

Ramaasnews