Warbaahinta madaxa banaani waa tabaha loogu gudbiyo macluumaadka bulshada wadanada dimoqraadiga ah., waxayna qayb weyn ka qaadataa nolosha bulshada casrigan
loo bixiyey casriga macluumaatka (Information age) ha noqoto ta la akhristo, ta la dhagaysto iyo ta la iska arko, waana sifaha ay dadku wax ku bartan (mode of learning) haddii ay tahay siyaasad, dhaqaaleh iyo bulshaba.
Soo bandhigidda xaaladuhu waxay hogaamin karaan rayiga dadweynaha (opinion poll). Marka warbaahintu soo ceceliso xaaladaha ka jira dalakooda, taasi waxay noloshooda ku noqotaa mid muhiim ah, markaas ayey ragigooga ku saleeyaan. War baahintu waxay ka gar naqdaa xaaladaha cakiran ee soo waajaha dalalkooda iyo dibedaba.
Xukun wanaagu waxaa kale oo uu u baahanyahay dadweyne xog ogaal ah (informed citizenry) iyo baadhid warbaahineed (investigative journalism) oo soo ogaata musmaasuqa, khiyaamada qaran (conspiracy) iyo meel ka dhaca loo adeegsado kursiga (abuse of power).
Wararkaas iyo barnaamijyada kale ee ay gudbiyaan waa kuwo ku salaysan caqli gal iyo run (facts and logic) oo aan ahayn mala awaal sida imika ay u badanyihiin wararka warbaahinta Somaaliland.War kastana lama gudbiyo ee waa la kala hufaa, la kala haadiyaa si aanay u gaadhin dadweynaha warar aan dhexdhexaad ahayni oo dhinac ka raran(biased)
Wariyayaashu waxay ugaadhsadaan wararka lagu mormo (controversy) iyadoo ay sidaa tahay ayey haddana ilaaliyaan sharafta mihnadda saxaafadda. Masuuliyadaas caynkaas u culus waxaa qabta shaqaaleh u taba baran oo loo sameeyo tababar joogta ah (on job training) si ay ula socdaan isbedalada technoloojiyada hawliga ku socota.
Baahida shaqaalaha ka hawal galana waxaa daboola institushanska ay ka shaqeeyaan.Wararka ay sii daynayaana inta badan way iibsadaan. Wariyayaasha soo gudbiyaa wararkuna waa kuwo had iyo jeer lala socdo shaqadooda. Mararka qaarkood waxay ridaan madaxda dalaka sidii madaxweynihii dalka maraykanka Richard Nixon).
Marka aan u soo laabto nuxurka qoraalkaya, waxaa nasiib darro noqotay markii warbaahinta dalkani iyo nolol maalmoodka warbaahintu sku xidhmay. Markaas waxaa halkaas ka baxay in dadweynaha reer Somaliland ay helaan warar kalsooni leh.
Warbaahinta dalkani waxaa haya tamar la’an (capacity weaknesses) iyo dhaqaaleh la’aan.
Wariyayaasha ka hawl galaana waxay ku raadsadan nolol maalmoodkooda iyagoon u lahayn ilmam saxaafadda. Waxaad arkaysaa mararka qaarkood in ay kugu qasbaan in aad barnaamuj u kaa duubo, haddii kale wararka uu kaa qorayo si kale ayuu u dhigayaa. Waxaa kale oo la yaableh adigoo lacag siiyey in uu war aan kaa soo bixin soo qoro. Waxa aad ku hadasho siddeedii uma soo qoraan ee waxyaalo dheeradh ayey ku daraan, taasina waa ta keentay in kaalintii saxaafadu ciyaari waydo doorkoodii.
Waxaa kale oo xusid mudan in aanay waxba ka qorin musuqmaasuqa ragaadiyey ee banaanka u soo baxay iyo ragga ku caan baxay isdabmarinta hantida qarankam iyagoo uga baqaaya arimo la xidhiidha qabyaaladda dalkeena ragaadisay.
Ugu dambayn waxaan ka dalbayaa warbaahintu in ay kaalinteeda ka ciyaarto waxa ka dhacaaya dalka. Waxay ka mid tahay warbaahintu xogaga isu keeni kara dhinacyada ishaya, dadweynahana tusi kara in ay yihiin kuwa la xukumo ee wax xukuma.(the rule of the ruled) ciddii diidana ay wada jir uga soo horjeestaan
Ibrahim Aadam Qaalib
Borama/Awdal
kaalib33@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " “Madax Banaanida Warbaahinta [Media] Waxaa Garab Socota In Le’eg Oo Masuuliyad Ah” Ibrahim Adam Ghalib "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback