Hargeysa-(Lug)-Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta yeeshay fadhi albaabadu u xidhanaayeen oo ammaankiisana aad loo adkeeyay, oo ay ku gorfeeyeen khilaafaadka cakiran ee golahaasi ka dhex aloosan.
Waxa dhismaha Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland la dhoobay ciidan aad u tiro badan waxaana la xidhay wadada hor marta dhismaha Golaha.
Boqolaal dadweyne ah oo cadhaysan kana soo horjeeday ciidanka faraha badan ee la geeyay xarunta Golaha Wakiilada ayaa saaka isku soo baxay agagaarka Golaha hortiisa, waxaanay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ku diidan yihiin xukuumada Madaxweyne Rayaale, oo ay ku tilmaameen inay qabsatay Golaha Wakiilada waxaana ka mid ahaa “Rayaale ma qabsan karo Mudaneyaasha Baarlamaanka ee aanu soo dooranay” “Ha loogu dhaco Guryahooda Mudaneyaasha aan dooranay ee u adeega Rayaale iyo Maafiyadiisa” iyo erayo kale oo kuwaasi la mid ahaa.
Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdi-Risaaq Siciid Ayaanle, oo dadweynahaasi taageerayay Golaha Wakiilada u soo baxay ayaa la hadlay ugana waramay waxyaabihii ka soo baxay fadhigii maanta,waxaanu yidhi “Waxa maanta fadhigii golaha Wakiilada ka soo qeyb galay oo fadhiistay 55 Mudane, waxaana gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu ka waramay in xaalada goluhu maalmahan ay cakirnayd isla markaana wuxuu soo jeediyay in Guddidii dhawaan loo xilsaaray xal u helida mashaakilka golaha lagu darro afar Xildhibaan oo kale, waxaanu amray inay Guddidaasi illaa maalinta Salaasada ka soo shaqayso arrintan.”
Dhinaca kale, Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa u soo baxay dadweynahaasi ugana waramay sidii uu fadhigii goluhu u qabsoomay, waxaanay dadweynahaasi ku wargeliyeen inay si nabad gelyo ah u tagaan guryahoodii.
Mudaneyaasha loo xilsaaray xal u helida khilaafaadka golaha waxay kala yihiin sidan
Magacyada Mudaneyaasha muxaafidka ah
1- Md. C/Raxmaan Maxamed Jaamac
2- Md. Cali Maxamed Aadan (Cali Barre)
3- Md. C/Kariim Aw-Cali Shabeel
4- Md. Axmed Sh. Cali Ayaanle
5- Md. Ibraahim Carraale Cabdi
6- Md. Aadan Muxumed Hoori
7- Md. Aadan Xaaji Diiriye Sanqoolle
Magacyada Mudaneyaasha Mucaaridka ah
!- Md. Cali Maxamed Xasan
2- Md. Axmed Maxamed Obsiiye
3- Md. Siciid Cilmi Rooble
4- Md. Axmed Cabdi Kijaandhe
5-Md. Maxamed Nuur Carraale
6- Md. C/Raxmaan Cismaan Caalin.
7- Md. Maxamed Xuseen Ciise
Dhinaca kale, ciidanka Booliska ayaa rasaas ku kala kaxeeyay dadweynihii taageerayay Golaha wakiilada, waxaana wararku ay sheegayaan in qaar ka mid ah dadweynahaasi xabsiga loo taxaabay.
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " G/Wakiilada S/land Oo Fadhi Albaabadu U Xidhan Yihiin Ku Falanqeeyay Khilaafkooda + Mudaharaad Ka Dhacay Agagaarka Golaha "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback