Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale,oo Booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti,
ayaa waxa uu saaka xafiiskiisa ku qaabilay Dhigiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Yuusuf.
Labada Wasiir waxa ay ka wada hadleen Sii xoojinta Xidhiidhka labada, sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada Nabad gelyada, Dhaqaalaha iyo xaaladda guud ee Gobolka. Waxana uu ku dhamaaday Kulankani Jawi aad u u fiican.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa shalay u socdaalay Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Wasiirka.
Allaa Mahad leh
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " War-Saxaafadeed Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Oo Ku Sugan Jamhuuriyadda Jabuuti "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback