boqorkii-kubada-cagta-reer-boorama-awliyo-2.JPG

Boorama-(Lug)-Ciyaarkubada cagta ah oo aad u xiisa badan looguna damaashaadayay munaasabada ciida ayaa ka dhacday garoonka kubada cagta ee Xasan sh. Muumin ee magaalda Boorama, ciyaaartan ayaa waxay dhex martay laba kooxood oo labaduba ka tirsanaa ciyaaryahadadii waayo waayo kuwaas oo ku kala ciyaarayay magacda bilaha barakaysan ee Ramadaan iyo Shuwaal.

boqorkii-kubada-cagta-reer-boorama-awliyo.JPG

Ciyaarta oo si xaamsadaysan ku bilaabatay ayaa waxa ay labada kooxoodba isku qaadayeen weeraro aaanan kala yarayn oo labadadhinacba ah, waxana u suurto gashay kooxda Ramadaan in goolki koowaad ay dhashato daqiiqadihii dhexe ee qaybtii hore ee ciyaarta.

boqorkii-kubada-cagta-reer-boorama-awliyo-3.JPG

Inkasta oo 1:0 ay ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaartu hadana kooxda Ramadaan kuma waarin goolkaas balse waxa weeraro badan oo isdaba joog ah oo lagu qaaday goolkooda ay sababtay in ay kooxda Shuwaal keensato goolkii barbaraha, waxana ciyaartu ay ku soo gabagabowday 1:1 barbaro ah.

boqorkii-kubada-cagta-reer-boorama-awliyo-5.JPG

ciyaartii maanta waxa si wayn uga dhex muuqday ciyaaryahankii waynaa ee reer Awdal Cabdilahi Awliyo, waxa kaleoo garoonka lagu arkayay ciyaaryahano ay kubada ugu dambaysay mdo dheer oo laga xusi karo Cabdisamad

boqorkii-kubada-cagta-reer-boorama-awliyo-7.JPG

boqorkii-kubada-cagta-reer-boorama-awliyo-8.JPG

Wariye:-
Cabadale Cali Yuusuf
Lugahaynews-Boorama