Jaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austrelia Waxay Xukuumada Somaliland Ku Adkaynaysaa In Cadaalda La horkeeno Kooxdii Gaysatay Falkii Budhcadninada Ahaa ee Raga Safarka Ah Lagu Laayay
Boorama-(Lug)- galinkii dambe ee maanta ayaa Jaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austrelia ay soo daadhsiisay deeq lacageed ehelada 4tii marxuun ee lagu dilay dhacdadii jidgooyada ahayd ee 7dii July, 2009, munaasabadan ayaa waxa goobjoog ka ahaaSheekhulbaladka Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar, Xaaji Axmed Miisaan, Xaaji Qumane, Dr. Maxamed Barkhad Muude oo isagu ka wakiil ahaa jaaliyada, xidhiidhiyaha jaaliyadaha dibada iyo dalka gudahiisa Md. Cabdiqaadir Aadan Nuur iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac Awgaab.
Bilawgii munaasabadan ayaa waxa uu Dr. Maxamed Barkhad Muude ka waramay in jaliyada Jaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austrelia ay aad uga murugootay ugana jidh diiday dhacdadaasi faasha xumayd, waxa kale oo uu sheegay in Jaaliyadu ay si aad ah ugu adkaysay xukuumada in Sharciga la horkeeno gacan ku dhiiglayaasha gaystay falkaasi aanan la iloobi karin, Mar uu Dr. Muude ka waramayay deeqdan ayaa waxa uu yidhi ” waxa an halkan ku wadaa 4800 oo doolar oo deeq ahaan ay Jaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austrelia iigu soo dhiibatay isla markaana ku muujinayso dareenkeeda aanan waligii salguurayn ee ku aadan dhacdadii foosha xumayd ee jidgooyada ahayd ee dhacday 7dii Julay sanadkan, waxa ay ugu talo galeen in ay gaadhsiiyaan ehelada 4taas shahiid, waxana y duco aankal;a go’ lahayn Eebe idiinka baryayaan in uu samir idiinku badalo 4taas marxuum ee ay dishay gacanta ka gardaranina Eebe aduun micno malaha e uu Janatul Fardawsa ugu badalo.
Sh. Baladka Booram Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo isagu gacanta qoyswalba ka galiyay lacagtan deeqda ah aya si wayn ugu mahadnaqay Jaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austrelia oo iyadu muujisay dareenkeeda aanan wali hadhin ee ku aadan dhacdadan, Sheekhulbaladku waxakale oo uu ka dalbaday dhamaan bulshawaynte reer Somaliland ee dibadaha Joogta n ay xasuusnadaan eheladan Agoonta ah ee ka hadhay Alle Ha u Naxariistee Afartii marxuum ee Jidgooyada lagu dilay. Sheekhul baladku waxa uu carabaabay in loo baahan yahay in cadaalada la horkeeno kooxdii gaysatay falkaas jidgooyada ah, waxana uu yidhi ” waa lagama maarmaan inta ay doonto ha qaadateee in cadaalada la horkeeno laguna qaado xadkii eebe ee ay galeen waa lagama maarmaan in xukuumada iyo dhaman inta wanaaga jeceeli ay arintan iska kaashadaan una dhaqaaqaan habkii umada looga dhex qaban lahaa kooxdaas yar ee budhcada qaadicul dariiqa ah” mar uu la hadlayay Sheekhul baladkuJaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austreliawaxa uu ka dalbaday in ay deeqo waxbarsho oo dibada ah u raadiyaan waqti dhaw ehelada 4tan marxuun (AHUN) ee dhawaan dhamaysanaysa waxbarashada dalka si ayu yidhi ay u noqdaan qaar iyaga oo aan qaxooti ahayn waxbarta ducadii umadaIslaamka aha ee u ducaysayna midhaheedii hesha.
Xaaji Axmed Miisaan Aare oo isaguna munaasabadan hadalo duco u badan ka jeediyay ayaa aad ugu mahadnaqay Jaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austrelia waxan uu sheegay in loo baahan yahay in Jaaliyadaha kale ee Somaliland ee Bibaduhuna ay ku daydaan Jaaliyadan isla markaan dadkooda dalka jooga ee u baahan in la gacan qabto ay soo gaadhsiiyaan deeqo wax ku ool ah, Xaaji Miisaan waxa uu kale oo uu hoosta ka xariiqay in la dadajiyo talaabooyinka cadaalada loogu horkeenayo kooxda yar oo uu ku tilmaamay in ay tahay qaar isku bahaystay sidii ay umada fidmo uga dhex abuuri lahaayeen, waxa kale oo uu Xaaigu si wayn ugu duceeyay ehelada 4ta marxuum (AHUN) waxana uu ka dalbaday in ay dhib walba u samraan si ay u noqdaan kuwo sabiriin ah oo eebe aygtiiwa abaal wayn ku leh.
Xaaji Qumane oo isaguna madashan ka hadlay madashan ayaa sheegay in aanay 4taas Marxuum (AHUN) ay yihiin kuwo ehelul jano ah, waxna uu yidhi ” Ragaas shahiidiinta ahi ma dhiman ee eebahood ayaa u yeedhay, waxana ay nagaga tageen raad ma guuraan ah, waxa aan leeyay eebe waxa uu barakeeyay cidhibtooda dambe waanay liibaanayaan eheladii ay katageeni” waxa aan u mahadaqayaa Jaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austrelia poo runtii samaysay talaabo lagu farxo oo kudayasho mudan. Xaajigu waxa kale oo uu xukuumada ku tirtirsiiyay in ay muhiim tahay sidii ragaas gacankudhiiglayaasha ah ee gaysatay falka aanan qolo qoys iyo qabiil loo nisbayn karin sharciga lo horkeeni lahaa.
Munaasabadan ayaa waxa kale ka hadlay xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland ee qurbaha iyo Bulsho waynta Awdal iyo Salal Md. Cabdiqaadir Aadan Nuur waxana uu yidhi ” waxa aan maanta ka marag kacayaa in Jaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austrelia ay qaaday talaabo taariikhi ah oo mudan in lagu daydo, waxanan u mahadnaqayaa Dr. Muude oo isagu hawshan fududeeyay, waxa aan ku celinayaa fariinta aasaasiga ah ee aan u dirayo saaxiibadyda qurbaha ee aan leeyahay noqda kuwo isaga dayda talaabooyinka khayriga ah, noqda kuwo xasuusan in dalkiinu idin sugayo hanaqoto fikirkiina, maalkiina ama imaashihiina, waxa aan hubaa inaad tihiin dhamaantiin kuwo dareensan jecelna inay waxqabad muuqda gaadhsiiyaan mulshadooda ee kordhiya dadaalkiina”. Mr. Cabdiqaadir mar uu ka waramayay deeqdan maanta ayaa waxa uu yidhi waa wax lagu farxo deeqda iyo hadalka cadaalada u yeedhaya ee ay Jaaliyadu soo gaadhsiisay Xukuumada, waan taageersanahay in sharciga la horkeeno dhamaan intii xadgudubka samaysay, waxanan eebe ehe;ada 4taas shahiid(AHUN)uga baryaynaa SAMIR aanan waligii ka dhamaaan.
Munaasabadan deeqda lacageed ay Jaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austrelia ku soo gaadhsiisay eheladan ayaa waxa gudoomay 4qof oo ka socday eheladan taasi oo qoyskiiba uu gudoomay lacag dhan 1200 oo doolar waxana lacagtan si toos ah eheladan gacanta kaga riday sheekhulbaladka Boorama Sh. cabdilaahiSh. Cali Jawhar oo sheegay in qoysaskii ay baxeen 4taas Shahiid ay yihiin ehel ka kooban 7 dumar ah iyo 37 caruur ah.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Jaaliyada Reer Somaliland ee Melbourne Vic. Austrelia Oo Deeq Lacageed Maanta Gudoonsiisay Eheladii 4tii Shahiid ee Jidgooyada Lagu Dilay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback