Johannesburg-(Lug)-Boqolaal qof oo muslimiin ah ayaa isugu soo baxay garoonka wayn ee ku yaala magalada Johannesburg. waa markii ugu horeysey oo ay hal maalin la wada ciido muslimiinta Calaamka oo dhan.
Magaalada Johannesburg ayaa waxaa aroornimadii hore isugu soo baxay Boqolaal qof oo Soomaali ah kuwaas u badnaa caruuro iyo xaasas, salaada waxaa lagu tukaday garoonka Wayn ee xaafada Mayfair ay dagan yihiin Soomaalida.
Takbiirta waxaa la bilaabay abaaro 6:00, aroornimo, waxaana salaada la tukaday abaaro 7:40 waxaa ka horeeyey salaada qudbado ku kala baxay luuqada. Soomaaliga, luuqada English-ka iyo luuqada oromada salaada kadibna waxaa la galay qudbad carabi ah, dhaaman qudbadaha waxaa looga hadlay fadliga ciida, waajibaadka dadka muslimiinta ah saaran iyo in dadka ay Ciidaan Ciidul fidriga ayaa Saaka Magaaladatan Johannesburg lagu damaashaadayey si heer sare ah Dadka Magaalada ayaa Saaka Suuq yada Badan Darteed, Wadooyinka Xaafadaha ay soomaalidu ka dagto Magaalada Johannesburg ee Mayfair.
sidoo kale Soomaalida salaada ciida si heere qaran loogu tukaday magaalooyinka wadanka South Africa sida. Cape Town, Port Elisaberth, Rustenburg iyo Pretoria.
Si kastaba ha ahaatee Shalay oo ah Maalinta Ciiddula fidri, waa Maalin farxad leh oo ay Dadka Muslimiinta ah si weyn u Maamuusaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciiddan ka mid tahay ciida koowaad ee ay Dadka Muslimiinta ah leeyihiin sidoo kale waxaa laga dareemayay Muslimiinta Ku nool Wadankani South Africa ee Saaka ku ciiday Magaalada Johannesburg Jawi Nabadeed Farxadeed iyagoon is Bariidinaayey oo is ku Salaamayey Ciid wanaagsan Ciid Mubaarik . (Taqabalalaahu MInaa Wa min Kun Saalaxul Acmaal).
Wariye:-
Ibraahim Miigane (Zaki)]
( +27717929945)
Lughayanews- Johannesburg
sakki03@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " South Africa iyo Sidii Looga Ciiday "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback