Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta magacaabay Wasiirul dawle iyo Wasiir ku xigeen cusub. Madaxweynuhu, isagoo cuskanaya qodobka 90-aad, faqradiisa labaad ee dastuurka Somaliland, isla markaana tixgelinaya ahmiyada weyn ee ay u leeyihiin dhismaha dalka Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dalxiiska, waxa uu u magacaabay Mudane Cabdi Xirsi Ducaale inuu noqdo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha.
Sidoo kale, Mudane Maxamed Axmed Faarax, waxa uu u magacaabay inuu noqdoWasiir ku xigeenka Wasaaradda Dalxiiska iyo Dhaqanka.
Madaxweynuhu isagoo tixgelinaya hufnaanta iyo kartida labadaasi Mudane, waxa uu ku amray in ay sida ugu dhakhsaha badan xilka loo magacaabay ula wareegeen laga bilaabo taariikhda maanta.
Allaa Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madaxweynaha S/land Oo Magacaabay Wasiirul Dawle Iyo Wasiir Ku Xigeen Cusub "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback