Ilaahay baa mahad leh haddii aan hor joogsanay hindisihii ay wateen Xildhibaanada Rayaale U Adeega oo doonayay inay muddo sanad ah oo bilaa hadal ah u kordhiyaan”
Hargeysa-(Lug)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyay tallo soo jeedin ay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ahi soo hordhigeen saddexda murashax ee u tartamaya doorashada madaxtooyada, taas oo ah inay ka heshiiyaan muddada ay doorashadu ku qabsoomayso. waxaanay guurtidu qalinka ku duugtay in muddada dhammaadka xil haynta Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu ay noqoto bil ka dib xilliga ay saddexda xisbi qaran ku soo heshiiyaan in doorashadu ku qabsoonto.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland, oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golahaa Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa madasha ka soo xaadiray 78 Mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay, waxaana maanta laga filayay in Golahaasi mar kale muddada u kordhiyo Madaxweyne Rayaale, waxaanay xildhibaanada muxaafidka ahi soo jeedinayeen in loo kordhiyo hal sano oo kale.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadal uu fadhiga ka jeediyay wuxuu ku sheegay inay lagama maarmaan tahay in la raaco soo jeedintii deeq-bixiyeyaasha taageera gedi socodka dimuqraadiyada Somaliland ee la xidhiidhay in saddexda xisbi qaran ay ka heshiiyaan xilliga ay doorashadu ku qabsoomayso. waxaanu tilmaamay in saddexda murashax ee saddexda xisbi qaran kala hoggaaminayaa ay hore u aqbaleen hindisaha beesha caalamka imikana looga baahan yahay inay fuliyaan.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shirgudoonka Guurtidu isla qaateen in la ansixiyo heshiiskaasi oo muddada xilka xukuumaduna noqdo bil ka dib muddada ay ku soo heshiiyaan.
77 Mudane ayaa ogolaaday hindisahaasi, cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin, guddoomiyuhuna muu codayn.
“Ilaahay baa mahad leh haddii aan hor joogsanay hindisihii ay wateen Xildhibaanada Rayaale U Adeega oo doonayay inay muddo sanad ah oo bilaa hadal ah u kordhiyaan, waxaan raacnay sidii danta Somaliland ku jirtay, waxaan ka baaqsanay in dadweynuhu ay suuqyada nagu shiidaan,”sidaasi waxa yidhi Mudane ka tirsan Golaha Guurtida oo dalbaday inaan magaciisa la shaacin.
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Golaha Guurtida S/land Oo U Coddeeyay Soo Jeedintii Deeqbixiyeyaasha, Oo Horjoogsaday In Muddo Sanad Ah Loo Kordhiyo M/Weyne Rayaale "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback